BOSAASO,(SAHALNEWS)-Dadka inta badan waxay ku howlan-yihiin raadinta iyo baadi-goobka waxa aysan hayn. marar badan waxaad arkin dhalinyaro badan oo, iskugu jira rag iyo dumar oo aan ku qanacsanayn nolasha ay markaas ku jiraaan , isla markaana raadinayaan nolol ka yara badalan tooda caadiga ah.

Taasna waxaa keentay nolasha iyo dunida aan ku nool-nahay oo ka  samaysan  duni isu  bad-badasha si joogta ah,waayo marka aan dib u jeleecno taariikhdeena ,waxaad arkaysaa shalay in aan ahayn dhalaan, ka dib caruur,dhalinyaro ,waxaana ku soconaa duqoobid inteena cimriga alle siiyay.

Madaama uu qofkasta oo dunidaan  ku nool  xaalad-duu doono haku sugnaade (yar iyo wayn ,rag iyo dumar, culumo iyo caamo, ciroole iyo ciyaal, sheikh iyo shariif ) uu tabayo in ay wax ka maqan yihiin  ayaa hadana waxaa jira daruufo u baahan in qofku uu ku tala-galo ka gudbid-deeda.

Hadaba 12-kan Qodob hadii aad raacdo waxa ay kugu ridayaan wadadii aad ku hanan- lahayd Ahdaafta Nolosha

  1. Go, aan: Eebbe inooma abuurin  in aan qaadanno go’aanno sax ama qalad ah, Eeba waxuu inoo abuuray in aan qaadano go’aanno ka dibna waxii ka qaldan aa saxno.

Nolal kasta oo aad ku jirto waxa kaa saari kara waa in aad marka hore qaadato go,aan ah in aad ka baxado nolasha aad ku jirto, una tilaabsato midka duwan tii ad ku jirtay.  Ugu horayn hadii aad rabto in aad wax aadan hayn aad hanato waa in aad go, aan ku gaarta in aad hanato.

2.Qorshe :  ma ahan in ay waxyaabaha muhiimka ah ay marna marti u noqdaan waxyaabaha aan muhiimka  ahayn.

Waa maxay qorshe ? qorshe waa agaasimid-da ama isku dabarid-da  tallaabooyinka  aad  u bahantahy in aad qaadato  si aad u gaarto yool aad leedahay.

Tusaale waxad rabtaa in aad gashid jaamacad.  Waa in aad qorshaysa waxad rabto  iyo in aad baratid wax aad ku Ficantahy.

Hadba qorshe waa qodobka labaad ee aad ku hanan karto wax aadan hayn.

  1. Shanta Salaadood joogte: Salaadda waa farqiga u dhaxeeya  gaalka iyo muslimka.  Salada waa xariga  am xiriirka u dhaxeeya  adoonka iyo Alle.

Alle subxanahu wa tacalaa . waxuu qurankisa ku yiri ( qofkii alle ka cabsada eeba waxuu ufurin maqaraj. Waxuuna ka irsaaqin meel uu sanfilaynayn.)

Hadaba hadii aad rabto in aad hanato waxkasta oo maankaaga ku jira joogtee xariga alle wad helaysaa waayo waxkast Eebbe ayay gacantiisa ku jiran.

  1. Ducayso adigoo aaminsan in lagaa aqbalayo: Nabi Mohamed (NNH) waxuu xadiis saxiixa ku yiri ( ducaysta ducada waxay celisaa xukan ama qadarta)

Waxaa  jirta sheeko nin oday ah uu ka shekayay.  Waxuu yiri barri anigoo jira dhowar iyo labtan  oo  aad u shiidan ayaa waxaa is iri ALLE sow lacag mahayo. Subax kasta intaan salaadda ka horka kaco oo an lugeeyo ayaan oran jiray allow lacag isii . kadib markii an asbuuc dhan waday . ayan subixii danbe waxan arkay boorso  nooca dumarka ah oo i hortaala.  Markaasaan  inta gees iskula leexiyay  ayan qaday waana furay mise lacag aya ku jirta, kadiba intaan meel latagay ayan furay salaadiii subax ma anna tukan saan hadba u tirinayay.  Waxkast oo ad rabto ku ducayso adigoo aaminsan in lagaa aqblayo waad helin.

  1. Aqri Qur’aanka oo jogtee habayartee: Quraan ku waxu alle u qaybshay jujus,xisbi, maqro,balbaal,suurad ,ayad. Sirta looga danleyahay waa in aad joogtayso habayratee inta aad awoodo. Aqrinta Qur’aanka waxuu dhaqa quluubta . waxaa uu ka difaacayaa sharka o dhan waxuu alle kugu siinaya waxa kasta oo aad maanka ku haysid.
  2. kordhi am kor uqaad imankaga: Imanka waxuu u bahanyahy in la cusboonaysiyo waxaad imanka ku ilaalisa aqrinta Qur’anka iyo Digriga alle.
  3. Aqri oo jogtee adkart subixii iyo galabkii: Adkaarta oo aad jogatyso waxuu alle kugu furin dhaman irridaha khayr waxuuna alle kaga xijaabin sharka oo dhan.
  4. Qaraabada xiriir: Qaraabda oo la xiriiryo waxa lag helaa cimriga oo barakooba, maalka oo bata iyo in alle kuu sahlo waxkasta oo ad rabto
  5. Labada waalid u baari noqo: Waxaan ognahay waalikad oo baari loo noqda in ay aduun iyo akhirab lagu faa ido. Marar badan waxad arrkin ruux aad la yaabto wax qabadkiisa iyo fir-fircoonidiisa, hadii ad dib usii racado tariikhadiisa waxad arkin in u aha ruux ay u duceeyan labada waalid.

Ducada waalidka waa furaha ad ku furan karto meelkast aad doonaysid.

10: la saaxiib dadka Hormarka iyo wanaga u saxiibka ah: Soomalid waxay ku maah-mahdaa( Dariskaa waxaan cadaan iyo madow ahayn waa ku galiyaan) waxay kaloo dhahdaa( dariska marna kudayo. Maarna ka darnow).

Waxaa halkaa laga fahmi karaa qofka nolashiisa u badan waxaa samayn ku leh cida uu saxiibka layahay. La saxiib dadka xaqiijiay himilooyinkooda.

  1. Fakar: feker oo kii fican barbaari. Aduunka manta lajooga waxaad modaa in uusanba qofka helin waqti u ku fakaro.

12: Noqo mid Umada Anfaca:  Nabi Mohaned waxuu yiri ( umada waxaa ugu khayr badan midka umadda anfaca)

Waxaan rajayn in alle kugu anfaco talooyinkan oo aad ku dabaqi doonto noloshaada inta ka dhiman.

WQ: Xasan Axmed Iley