Qaramada midowbay ayaa ka hadashay xarig loo geestay suxufiyiin kusugan gudaha magaalada muqdisho.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midowbay oo ku sugun dalka Maraykanka ayaa ka hadlay xariga loo geestay Wariyayaasha ka hawugala gudaha magaalada Muqdisho,asagoo dawladda Soomaaliya ugu baaqay in la joojiya tacdiyada lagu hayo warbaahinta.

Afhayeenka ayaa dawladda Soomaaliya ugu baaqay inay ka war hayso wariyayaasha u xiran Hay’ada nabadsugida Soomaaliya ,isla mar ahantaana wuxuu soo dhaweeyay in Hay’ada nabadsuigda Soomaaliya ay xoriyadoodii dib usiisayagaasimayaasha Radio Kulmiye Iyo Radio Simba.

Hadalka Afhayeenka Qaramada Midowbay ayaa kusoo beegmaya,Xili Ciidamada nabadsugida Soomaliya ay xarig ugeesteen agaasimyaasha radio kulmiye iyo Idaacada Simba ka hawul gala gudaha magaalada Muqdisho.

Hay’ada nabadsuigda Soomaaliya ayaa wali waxaa todobaad kii 3 ‘ad u xiran 3 ka tirsan wariyayaasha ka hawul gala gudaha magaalada muqdisho ayadoo wali xabsi ku haysa Mulkilihii Idaacada Shabeele ,Cabdimaalik Yuusuf Mxamed.