Qarax xoogan oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gordhow ka dhacay agagaarka Isbitaalka Madiina ee gudaha magaalada Muqdisho,

Qaraxaan oo ahaa Miino dhulka lagu aasay,ayaa waxa lala eegtay gaari Cabdi Bile oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dawlada Soomaaliya oo marayay wado marta Isbitaal Madiina.

Ilaa Hadda Ma Jiraan Cid wax ku noqotay Qaraxaan,balse Qaraxaan oo ahaa mid xoogan ayaa argagax ku beeray dadka ku dhaqan gudaha magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa kusoo beegmayaa Xili shaalay Ciidamada midowga Africa ee AMISOM,lagula eegtay qarax ismiidaamin ahaa inta deegaanka Xaawo Cabdi ,kaasoo haleelay 2 gaari oo ka timid degmada Afgooye oo ay lasocdeen dad shacab ah.