AMISOM ayaa canbaareesay weererkii ismaadiminta ahaa ee shalay ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye kaasoo lala eegtay gawaarida ay leeyihiin Ciidamada AMISOM balse qaraxu haleelay 2 gaari oo ka yimid degmada Afgooye kasoo ahaa rakaab dad shacab ah ay saarnaayeen.

Sii haya Xilka wakiilka gaarka ah u qaabilsan midowga Africa Soomaaliya,Lydia Wanyota Motende ayaa cambaraaysay weerarkaas,iyadoo sheegtay inay ka xuntahay weerarka ka dhacay duleedka muqdihso.

Waxaan uga xumahay weerarkii ka dhacay duleedka muqdisho kasoo galaaftay niolosha dad shacab ah oo an waxba galabsan,waxaan u tacsiyeynaayaa eheladii ay ka geeryoodeen dadkii ku dhintay qaraxaa waxaana u rajaynayaa caafimaad dag dag ah dadkii dhawaaca uu kasoo gaaray weerarkaas.

Hadalka sii haya Xilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya,ayaa kuso beegmaya xili shalay uu qarax ismiidaamin oo xoogan u ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho kasoo ay ku dhinteen 13 qof oo dhamantood ahaa dad shacab ah kuwasoo saarnaa gaari rakaab ahaa oo kusii jeeday magaalada Muqdisho.