Madaxwaynaha dawladda federaalka ah ee Soomaliya Xassan Shikekh Maxamuud,ayaa sheegay in watigii Alshabaab u dhamaaday ayna la kulmi doonaan cinqaab.

Madaxwaynaha ayaa uga tacsieeyay shacabka Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobay qarax shalay lagula eegtay Ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga AMISOM deegaanka xaawo Cabdi kaasoo uu haleelay gaari rakaab ahaa oo ay saarnaayeen dad shacab ah.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in ururka Alshabaab dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabka Islaamka ee Soomalaiyeed uu ALLAH SWT kala xisaabtami doono.

“Alshabaab waxay cadeeysteen falal argagax ku ah shacabka Soomaaliyeed,laakin waxan u sheegayaa waqtigoodii waa dhamaaday.Ayuu yiri madaxwaynaha dawladda Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud.

Shalay ayay ahayd markii ururka Alshabaab ay sheegteen inay ka danbeeyeen qarax ay la eegteen gawaari ay la socdeen ciidamada midowga Africa ee AMISOM iyo gudoomiyihii gobolka shabeelaha Hoose,Cabdiqaadir Nuur Siidi balse uu qaraxaasi galaaftay nolosha dad shacab ah oo aan waxba galabsan.