Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ka carootay hadal dhawaan kasoo yeeray dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya,kasoo dawladda Soomaaliya ay uga digtay Shirkadaha shisheeye ee shidaalka baara inaysan ogaal la’aanta dawlada Soomaaliya aysan waxba ka baari Karin gobolada Soomaaliya.

Puntland ayaa hadlkan kasoo yeeray dawladda Soomalaiya ku tilmaamtay hadal Riyo ah, oo waxba u dhimi doonin mashruucyada shidaal baaris ee ka socda Gobolada Puntland.

Ciise Maxamuu Dhool oo ah agaasimaha Hay’ada macdanta iyo shidaal barista dawladda Puntland ayaa sheegay in Puntland aysan cidna kala gorgortami doonin arimaheeda shidaal barista isla mar ahaantana dastuurka Puntland uu xaq u siinayo in qeeyraadkeeda dabiiciga ah Puntland ay lasoo bixi karto.

Hadalkan kasoo yeeray dawladda ayaa kusoo beegmaya xili dawladda Soomaaliya ay uga digtay shirkadaha macdan baarista ee kusugan gudaha Soomaaliya inaysan waxba ka baari Karin ama kasoo saari Karin gudaha Soomaliya ayagoon ka haysan wax fasax ah dawladda dhexe ee Soomaaliya.