Afhayeen Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM,Col. Aadan Xumad,ayaa beenshay hadal kasoo yeeray ururka Alshabaab,kasoo ay sheegteen inay ku dileen qarax shalay ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi Jeneral Maraykan ahaa.

Col,Aadam Xumad ayaa ku tilmaamay sheegashada Alshabaab mid aan sal iyo raad lahayn,isla marahaantaana aysan Jirin wax saraakal ah Maraykan oo ku dhintay Qaraxaas.

Afhayeenka Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM,ayaa sheegay in Alshabaab ay qaraxaas ku laayeen shacab Soomaaliyeed oo waxba galabsan,isla mar ahaantaana ay aad uga xun yihiin dhibaatada soo gaartay dadka shacabka ah e ku wax yeeloobay Qaraxaas.

“Anaga laba Askari oo ciidankeena ah ayaa dhawaac fudud soo gaareen,hadana waa fiicanyihiin oo wax wayn ma qabaan,ayuu yiri Col,Aadan Xumad mar uu la hadlayay warbaahinta.

Hadalka Afhayeenka Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa kusoo aadaya ,xili shalay qarax lala eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidamadada nabad ilaalinta ah ee Midowga Africa ee AMIOSM,balse qaraxaas ayaa waxa uu haleeyay gaari rakaab ahaa o ay la socdeen dad shacab ahaa oo ka yimid degmada Afgoyee.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay qaraxaas,ayagoo ka dhawaajiyay inay ku dileen qaraxaas jeneral Maraykan ahaa oo la socday gaadiid ka AMISOM.