Dagaalyahanada ururka Alshabaab ayaa shaaciyay inay ka danbeyeen qaraxii maanta ka dhacay wadada u dhaxeeysa degmada Afgooye iyo Magaalada Mudisho.

Ururka Alshabaab ayaa sheegay inay weerarkaas ku dileen General  iyo saraakiil Maraykan ah ,ururka Alshabab ayaa waxay warbixintaan kuso daabaceen website ay  leeyihiin .

Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxshay waxyaabaha qarxa,ayaa waxa la shegayaa in lala beegsaday gawaari ay lasocdeen Ciidamad Midowga Africa ee AMISOM iyo gudoomiyaha gobolka shabelaha Hoose Cabdiqaadir Nuur Siidi ,balse uu qaraxu halaleey gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo ka yimid magaalada Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose.

Weerarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Alshabaab ay qaadaan tan iyo markii duqyen xaga Cirka ay diyaardaha Maraykanka ee aan duuliyaha lahayn e looyaqaan DRONES ka ay ku dileen gobolka shabeelaha hoose.