(Sahal News, Mogadishu, Somalia) – Gudiga Arrimaha gudaha iyo Amniga ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyay xil ka qaadistii shalay ay ku sameeyeen Golaha Wasiirada Agaasimihii Hey’adda Nabadsugida Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Kulankan oo uu shir gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka Gudiga Arrimaha gudaha iyo Amniga Baarlamaanka Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow ayaa go’aan geesinimo leh ku tilmaamay xil ka qaadista Mr Sanbaloolshe.

Xildhibaan C/naasir Gaarane oo ka hadlay ayaa sheegay in tallaabada xil ka qaadista Sanbaloolshe ay aheyd mid wanaagsan, waxaana uu tilmaamay in tani ay wax weyn ka bedeli doonto hab dhaqanada saraakiisha ciidamada.

Sidoo kale waxaa uu soo dhoweeyay howl galka Badweynta Hindiya ee ciidamada dowladda iyo AMISOM ka wadaan gobolada dalka, kaasoo uu sheegay in Al-Shabaab looga xoreeyay deegaano badan.

Xildhibaan Cumar Filish oo ka mid ahaa mudanayaashii ka hadlay kulanka ayaa isna ku tilmaamay in xil ka qaadistaas ay aheyd wax lagu farxo, waxaana uu xusay inay taageersan yihiin go’aankaas oo ahaa mid loo baahnaa.

Kulanka maanta ee guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu imaanayaa kadib markii shalay golaha wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ay xilkii kaga qaadeen agaasimihii hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka

Xasan Baasha, Xafiiska Wararka Sahal News, Mogadishu, Somalia