GAROWE:SHL)Jawaabta su’aashan waxaan saadaalinkarnaa markaan isweydiino “maxaa ka qabsoomay lixdi tiir ee uu madaxweyne Xassan balanqaaday xilligii ay doorteen xibnaha baarlamaanka federaalka soomaaliya sanadkii 2012.

Lixda tiir waxay kala ahaayeen sidan:
1-Xasilinta dalka, sarreysiinta sharciga iyo dowlad-wanaagga.
2-Dib u habeyn iyo xoojin hey’adaha amniga qaranka.
3-Dhisidda ciidan tayeysan oo leh tiro ku filan oo uu ku gudan karo waajibaadkiisa qaran.
4-Abuuridda xiriir wanaagsan oo ku saleysan kalsooni u dhaxeysa shacabka iyo ciidamada qalabka sida.
5-Ka hortagidda afkaarta xag-jir-nimada ee mida diineed iyo midda qabiileed.
6-Dhisidda nidaam garsoor iyo caddaalad madax-bannaan oo kalsooni iyo aaminaad ku qabta howshiisa heysta, isla markaana dhowra xuquuqda iyo xoriyadda aasaasiga ee muwaadinka.

Inta badan falaqeeyayaasha arimaha siyasaada dalka waxay rumeysan yihiin in madaxweyne Xassan si buuxda ugu fashilmay lixda qodobee kor ku xusan. Waxaa jira dad tira yar oo ka mid ah muxaafidiinta oo marka aad weydiiso ku dhahaya madaxweynaha waxuu ku guuleystay siyaasadda arimaha dibadda, hasse ahaatee waxaan dhihi karnaa doodaas waa mid aad daciif u ah.

Geedi socodka ah in Soomaaliya ku meel gaarka ka baxdo, caalamkana hiil iyo hooba la garab istaago, sidoo kalana ula macaamilo si la mid ah dalalka caalamaka, waa arin ka horeysay madaxweyne Xassan, caalamkana horay u go’aansaday. Madaxweynaha laftirkiisa ayaaba processkaas ku yimid, sidaas darteed laguma doodi karo Xassan baa wanaajiyay siyaasadda arimaha dibadda Soomaaliya.

Hadaba, lixdi tiiree madaxweynaha u balanqaaday umadda soomaliyeed iyo beesha caalamka waxaa ugu muhiimsanaa qodobka amniga, oo saldhig u noqon lahaa qodobada kale, waxaana muuqata in madaxweynaha qodobkaas ku fashilmay, shanta kalana warkoodaba daa.

———————————————
Amniga dalka oo sii xumaaday iyo Villa soomaliya oo aan ka faaideysadin jaanisyo badan oo ay Shabaab uga adkaani lahayd, amaanka dalkana lagu sugi lahaa.

Dowladda uu hogamiyo madaxweyne Xassan, haday isku deyi lahayd in ay amaanka wax ka qabato, oo markaas ay ku fashilmi lahayd, rajo ayey yeelan lahayd, waxaana maanta loo heli lahaa waxoogaa qiil dey ah, hase-ahatee waxaa muuqata in mudadii ay jirtay ay ku mashquushay dagaal kale oo aan dib ka xusi doono.

Xilligii uu xilka qabanayay madaxweyne Xassan, Ururka Alshabaab waxuu la sii liicayay dharbaaxooyinkii talantaaliga ahaa ee uu kala kulmay dowladihii ku meel gaarka ahaa, siiba dowladii Sheekh Shariif, waxaa kaloo jiray khilaafaad gudaha ururka ah, kaasoo markii dambe keenay is ugaarsi ururka dhexdiisa ah. Waa kii Abuu Mansuur Roobow, Axmed Godene ku eedeeyay in uu Ururka ka leexiyay hadafkii dhabta ahaa ee loo aasassay.

Xilligaas Roobow waxuu saldhig ka sameystay tuulo ku taala gobolka Bakool. Waa kii uu Godane laayay qaar badan oo ka mid ah madaxda ururka.

Iyadoo ururka uu la daalaa dhacayo mashaakilkaas faraha badan ayey hadana dowladda mareykanka dukheyn cirka ah ku dishay hogaamiyihii ururka Axmed Godane, taasoo ururka ku sii kordhisay culeysyadii horay u haystay.

Godane ka dib waxuu hadana khilaaf ba’an ka dhex qarxay hogaamihi cusbaa ee bedelay Godane, Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda) iyo ku xigeenkiisa Mahad Karataay, kaasoo sida la sheegay ka dhashay kala doorashada ku biirista Ururka Daacish ee ka dagaalama dalalka Suuriya iyo Ciraaq iyo kasii mid ahaanshaha Uruweynaha Alqaacida.

Khilaafkan waxuu si lamid ah kii hore ururka ka dhex dhaliyay kala qeybsanaan ay sii kala qeybsameen, kooxihii markii horeba qeybsanaa, waxuuna dhaliyay dagaal khasaaro ba’an u geystay dhinacyadii kala taageersanaa labada fikir.

Intaa waxaa dheeraa warar sheegayay in hogaamiyaha cusub ee Alshabaab uu dareemayay sas iyo halac aan caadi ahayn oo uu ka qaaday dilkii Godane, iyo guuxa diyaaradaha, iyo weliba cabsi iyo kalsoonidarro uu ka qabay shakhsiyaadka ku xeeran, asaga oo ka baqdin qabay shirqool iyo inuu wajaho masiirkii Godane.

Marka laisku biiriyo dhamaan duruufahaas aan kor ku ku soo xusnay, waxay muujinayeen in Ururka Alshabaab ku sugnaa xaalad dacfi ah, keliyana u baahnaa dhameystir. Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Xassan dhankaas umaysan dhaqaaqin, waxayna ku mashquushay, dagaal iyo muran dhexdeeda ah, ladagaalanka Dowlad goboleedada, iyo heshiisyo iyo qandaraasyo caalami ah iyo wax kala iibsi.

——————————————–

Alshabaab oo si wanaagsan uga faaideysay fursadii ay dowladda siisay.

Alshabaab waxay halkaas ka heshay fursad qaali ah, oo ay dib ugu dhayatay dhaawacyadii horay u soo gaaray, dibna isugu abaabusho. Wxaan maanta argnaa Alshabaab oo la soo baxday awood lama filaan ah.

Dharbaaxooyinkii ugu dambeeyay ee ay Alshabaab la beegsatay ciidamada AMISOM gobolka Shabeelaha hoose iyo gooba kale, iyo weliba sida heerka sare ah ee ay u abaabushay weeraradaas, sidoo kale khasaarihii xad-dhaafka ahaa ee ay gaarsiisay ciidamada AMISOM, dhammaan arimahaas waxay ka markhaatikacayaan sida Alshabaab dib isugu abaabushay, ugana faaideysatay fursadihii faraha badnaa ay siisay Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Xassan.

Ilaa iyo hadda dadka wax falanqeeya waxay la’amakaag san yihiin inta uu la ekaa khasaarihii ka dhashay werarkii Leego ka dhacay 26 bishii Julay 2015, iyo weliba dagaalkii ugu dambeeyay ee 1 dii bishan ka dhacay deegaanka Janaale , kaasoo lala beegsaday ciidamada AMISOM, qeybta Uganda.

Weerarkaas waxuu ku soo aaday sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay dilkii Godane , waxaadna mooda inuu ahaa fariin loo diray cidda ay khuseyso.

Dib u gurashadii degdega ahayd ee ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ka sameyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose waxay niyad jab ku rideen shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanadaas.

Dadkaas maamtida ah maanta ma awoodaan in ay qaxaan, sidoo kale ma awoodaan in ay si nabad ah ugu noolaadaan deegaanadooda, maadaama ay mudooyinkii ugu dambeeyay la macaamilayeen ciidamadii laga adkaaday, sidoo kalana la wada og yahay in maleeshiyada Alshabaab aysan kala saarin qof shacab ah oo miskiin ah oo ay duruuf u geysan la macaamilka ciidamadan iyo qof cadow ku ah ururkooda.

Fariintii ugu dambeeysay ee ay Alshabaab ku muujisay awoodeeda iyo weliba siday uga faaideysatay jaaniska ay siisay dowladda madaxweyne Xassan waxuu ahaa, qaraxii ugu dambeeyay ee maalin hore ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada Villasoomaaliya, qaraxaasoo loo maleynayo in lala maaganaa danjire Nicholas Kay, oo xilligaas u diyaar garoobayay in uu ka baxo madaxtooyada.

Weerarkan waxay Alshabaab ku muujisay sida ay uga war qabto waxa ka socda gudaha madaxtooyada, ilaa heer ay si 100% ah ula socotay xilliga uu soo baxayo mr Kay.

Waxaa soo dhan marka laisku xooriyo waxay muujinayaan in madaxweyne Xassan 100% ku fashilmay lixdii tiir ee uu umadda u balan qaaday, maadaama tiirki ugu horeeyayba aanay waxba ka suurtagelin. Weeraradan ugu dambeyay ee khsaaraha badan dhaliyay waxay hoos u dhigeen rajadii laga qabay in amniga dalka soo hagaago.

Inkasta oo beesha caalamka ay maalin hore ka difaacday mooshinkii ka dhanka ahaa, islamarkaana ay codsatay in lala sheqeeyo inta waqtigiisa ka harsan, hadana ma filayo in beesha caalamka maanta xiiso badan u hayso soo noqshada madaxweyne Xassan, soomaalidana sidoo kale.

Falanqeeyayaasha qaar ayaa arinkan ku fasiray in beesha caalamka ay dooneyso in xilligan hadda lagu jiro muranka la yareeyo, ka dibna marka la gaaro 2016 si fudud loo fasixi doono madaxweynaha.

Sida muuqata madaxeyne Xassan waxuu balan qaaday waxuusan awood u lahayn, ama uusan rabin in uu sameeyo, labada xaaladoodba mid mid kale dhaanto lama arko.

Marka si dhab ah loogu kuurgalo xaaladaha uu dalka marayo, iyo sida loogu hongoobay rajadii la qabay, lisaanul xaalka soomaalida iyo beesha caalamka waxuu leeyahay sidan: Madaxweyne Xassan waxuu muteystay ciqaab ah in uu gurigiisa aado marka la gaaro 2016.