Xogga  Dalka Soomaaliyeed Qaaybtii Labaad

XDS waxuu ahaa awooda ugu weeyn dalalka ka hooseeya Saharaha (sub sahara).

  • XDS waxuu kaalmo u fidin jiray jabhadihii gobanimadoonka Afrika sida Konfur Afrika; Angola; Mozambiik; Eritrea IWM.
  • Waxuu tababaro siiyey ciidanka cirka ee Burundi
  • Waxuu qaayb libaax ka qaatay masiibooyinka dabiiciga ah ee la soo gudboonaada ummada soomaaliyeed sida abaaraha, fatahaadaha iwm.
  • Sidoo kale waxuu qaayb libaax ka qaatay ololihii barashada af soomaliga.

Waxaa xusid mudan in XDS aay ka mid ahaayeen qaayb libaaxna kaga jireen gabdhaha somaaliyeed,waxa ay ka shaqeeynayeen hawlaha kala duwan ee ciidanka gaar ahaan waxaa ay si xoog leh uga shaqaaynayeen qaaybaha war isgaarsiinta,caafimaadka,lidka dayaaradaha,xafiisyada saadka iwm.Ugu dambaayn waxaay ku garab taagnaayeen walahooda ragga hawl kasta oo lagama maar maan ah, waxaan tusaale u soo qaadanayaa Gle sare Dr. Caasha Yaasiin oo ahayd  takhtarka madax weeynaha iyo duuliye sare Asli Xasan Cabaade, iyo qaar kale oo tiro badan.

XDS waxuu lahaa Maxkamadda CQS oo lagu qaado dambiyada ciidanku galo iyadoo loo cuskanayo xeerka ciqaabta (codice penale miletare) waxaa kale uu lahaa buuga anshaxa milatariga (dishiblina milatare).

Ereybixintta-XDS sidii aan horay idiinku sheegnay af soomaliga ka hor qoristiisa waxuu lahaa erybixintiisa af soomaliga oo ku qoran afka laatiinka,waxaana loogu talo galay in ciidanku wax ku barto afka soomaaliga si looga maarmo Taliyaanigii iyo ingriiskii looga hadlayey waqooyi iyo konfur.

Tusaale ahaan waxaan u soo qaadanaaynaa:

Ciyaarsiiska: digtoonow,nasta horay u soco, dib ujeeso,midig u leexo, darandoori.

Darajooyinka: jadiid,(Alifley iyo Dabley) dable, alifle,labo alifle,Sadex alife, (sarkaal xigeen)middle, labaale,Sadex xarigle,(saraakiil hoose) xidigle,labo xidigle,Dhamme (saraakkisha sare) Gaashaanle,gashaanle dhexe, gashaanle sare (sareeyeyaal) Sareeye guuto,Sareeye gaas, sareeye guud. (Cidanka):unug, koox, horin, urur, guuto, gaas,qaayb.(Xaaladaha dagaalka):weerar, difaac, dagaal ka bax iyo dib u gurasho,(colalka):Guulwade,birjeex,dhufsade,hilaac, gam’diid,dayax,danab,libside,draraweeyne,oodweeyne iwm.

Qaabdhismeedka XDS waxuu ka koobnaa: Taliyaha XDS; Abaanduulaha, madaxda hogaamada.

XDS waxuu lahaa takhaatiir iyo injeneero aqoon khibrad aad u saraaysa leh, waxuu lahaa warshada hubka iyo rasaasta ee Mahadaay, warshadda kabista gaadiidka, warshadda qalbka xafiisyada iyo guryaha,warshada dharka, Hogaanka dhismaha, beero.

Waxaa kale oo ciidanku lahaa:

-Kulliyada Jalle Siyaad oo lagu diyaariyo layili saraakiisha;

-Kulliyada Abaanduulka (stato majore) oo lagu tababaro saraakiisha sare kooxdii ugu horeeysay eek a qalinjabisay kulliyadaa waxaa ka mid jeneraal Dini iyo Aniga.

-Kuliyada ciidanka cirka lagu tababarayey ee Kismayo.

Dagaalkii 77 markuu dhamaaday ciidamadii XDS waxaay dib ugu soo laabteen saldhigyadoodii aay markii hore ka duuleen,aad ayuu u hooseeyey moraalkoodu waxaay tabeyeen saaxibadoodii dagaalka la galay haseyeeshee aan dib ula soo laabtaan, waaxaay tabeeyeen qalbkii aay u wateen dagaalka oo qaar ka mid ah burburay ama aay ka soo tageen, waxaay tabeeyeen dagaalkii aay xabashida uga guuleysteen kuna jabiyeen ee huwantu uga hiilisay.

Waxaa la bilaabay in dib u habaayn lagu sameeyo ciidamada lana dayactiro hubkii iyo qalbkii lagala soo baxay dagaalka,waxaa gacan weeyn ka geestey dayctirkii qalabka dagaalka dawladda Pakistan oo madaafiicda iyo taangiyadii dagaalka ku soo celadoobay si hagar la’an ah u dayactiray.

Waajibaadka XDS waqtigan waa in la xiro xuduuda Jamhuuriyada Soomaaliya,lagana difaaco iskudayga cadawgu in uu ku soo xadgudo xuduuda Soomaaliya.

Waxaa safar dheer ku samaayey degaanada XDS dhamaantood wasiirkii gashaandhigga ee waqtigaa Sareeye Guud Mohamed Ali Samatar iyo saraakiil ka socotay dhamaan hogaamada XDS si aay u dhiiri galiyaan ciidanka,waxuu u akhriyey ciidamada khudbado wadani iyo dhiirigalin ah waxaa ereyadiisii ka mid ahaa: (Libaaxii libaaxyada boqortooyadii xabashida ee 3,000 kun oo sano dawlada ahaayd waxaa muday oo neefta ka saaray irbad yar oo soomaaliya la yiraahdo,Ethoopia waay aqoon san doonta geesisinimada iyo wadaninimada ciidanka Soomaaliyeed XDS waa bir aan la loodin Karin taariikhda ummada Soomaaliyeedna baal dahaba ayuu ka galayaa).

1979 wixii ka dambeeye waxaa loo gudbay dhinici adkaa oo aakhirkii u horseeday burburkii ciidanka iyo guud ahaan dawladii ka jirtay wadanka.

Asbaabihi keenay burburka XDS qaar ka mid ah

Waa badan yihiin asbaabaha keenay burbuka XDS, hase yeeshee waxaan soo qaadanaaynaa qaar ka mid ah:

1-Dagaalkii 1977 aan la galnay Ethiopia, ciidan ahaan iyo qalaba waa uu diyaarsanaa XDS waxuuna lahaa awood uu ku burburiyo cadawgiisa, hase yeeshee waxaa dhibku ka yimid kaalintii siyaasadeed ee dawliga ahaayd, waxaay madaxda dalku go’aansatay in dagaalkaa la galo lana xoreeyo Somaali Galbeed wax kasta ha dhacaane, labadii quwadood ee aduunka ka talinayey Bari iyo Galbeedba si cad ayeey dawlada Soomaaliya ugu wargaliyeen in aanu la galin dagaal Ethiopia, hase yeshee dawlada soomaliya waay iska dhagatirtay arrintaa,waxaayna keentay in Galbeedku noo diido in uu na hubeeyo, Bariguna uu diyaariyo Huwan ka kooban ilaa 30 dawladood oo dagaalka nooga soo horjeesta lana soo saftay xabashida.

2-Cadaalad darro saamaaysay ciidanka, oo aay ka mid tahay bixinta darajooyinka ciidanka,iyo magacaabidda jagooyinka.

3-Saraakiil badan oo aqoon ciidan oo sare leh (Akademic) oo aan wax shaqo ah u haayn ciidanka lana dhac dhacay sidii aay u dabooli lahaayeen nolol maalmeedkooda iyo tan qooysaskooda (bool).

4- dhaq dhaqaayo looga soo horjeedo Dowladda oo ka bilowday gobolada qaar, kaas oo keenay in ciidankii XDS hawlgaladiisii u soo warejiyo gudaha dalka sida gobalada Bari iyo mudug; gobalada dhexe; iyo waqooyi galbeed

5- Hubkii dawlda oo gacanta u galay dadweeynaha

6-Jabhadihii abuurmay dagaalkii 1977 dabadii.

Waxaa dalka ka abuurmay jabhado intii aay dawlda Mohamed Siyaad jirtay kuwaas kala ah:

-Somali Salvation Democratic Front (SSDF)

-Somali National Movement (SNM)

-Somali National Front (SNF)

-Somali Patriotic Movement (SPM)

-United Somali Congress (USC)

– AL-Itihaad Al- Islaamiya (AIAI)

– United Somali Root (USR)

Jabhadihii abuurmay marka aay Dawladii dhacday 1991-1995

-Somali National Alliance (SNA)

– Somali National Front (SNF)

– Somali Democratic Alliance (SDA)

– United Somali Front (USF)

– Somali African Muke Organization (SAMO)

– Somali National Democratic Union (SNDU)

– Somali National Union (SNU)

– United Somali Party (USP).

Somali Salvation Democratic Front

Waxaa abuurantay jabhadii la oran jiray SSDF Somali Salvation Democratic Front, oo ka mid ahaayd dhawr jabhado siyaasadeed oo leh garabo milateri, kuwaas oo isku ujeedo ahaa, ujeedadooduna ahaayd in laga tuuro xukunka jeneraal Mohamed Siyaad Bare iyo xukunkiisa milatari.

Jabhada SSDF waxaa la abuuray 1978, waxaan ka xusaaynaa asaasayaashii jabhadaa Abdullahi Yusuf Ahmed; Muse Islam;Hassan Ali Mire; iyo Mohamed Abshir Muse iyo in kale. Awooda ugu weeyn ee jabhadaas waxaay ka soo jeday beelaha Dega Mudug ilaa bari .waxaa kale oo gacan ka gaaystey hirgalinta jabhadaa ganacsato,indheer garadka u dhashay beeshaa aan kor ku xusnay iyo dadweeyne kale oo kala duwan.

1978 ayuu fashilay isku day inqilaab la rabay in xukunka looga tuuro mi Mohamed said barre iyo dawladiisa ,saraakiil badan oo loo aaneeynay inqilaabkaa ayaa la toogtay, Col. Abdullahi Yusf iyo saraakiil kale oo la socotay ayaa u gudbay dhanka Ethiopia,waxuuna abuuray jabhadii la oran jiray Somali Salvation Front, oo markii dambe isu badashay Somali Salvation Democratic Front (SSDF) 1979.

Cidamadu waxaay weerar ku qaadeen degaano ka tirsan gobolka mudug iyo nugaal halkaas oo lagu laayey dad badan, barkadihii biyaha laga cabayey la burbur buruyey, taas oo keentay in dad badan oo magac ku leh degaanka aay ka qaxaan kuwo kalana xabsiga loo taxaabay, arrintaas waxaay keentay in dad badan oo u dhashay degaankaasi aay ku biiraan jabhada SSDF.

SSDF waxaay noqotay tii ugu horaysay dhawr jabhadood oo u halgamayey in ka tuuraan xukunkii Mohamed Siad Barre.

SSDF waxaay ka samaaysay hawlgalo kala duwan xuduuda u dhaxaaysa Soomaaliya iyo Ethiopia,1982 hawlgalkaas oo lagu qabtay Geeldogob iyo Balanbale ayeey xabashida iyo SSDF isku qabteen taas ooSSDF aay diiday in laga taago calanka Ethopia “anagu waxaan la dagaalamaayna xunkunka dctatooriga ah ee k a jira Soomaaliya ma ogolin in dhulkayaga la kala gooyo” waxaa yiri Abdullahi Ysuf waana arrintii keentay aakhirkii in Mingistu uu xiro Abdullahi.

Hawlgalo aad u tiro badan ayeey SSDF ka fulisay xuduuda iyo guaha Somaaliya kuwaas oo khalkhal iyo burburba ku saameeyey dawladii xukunka haaysay.

Khilaaf ayaa ka soo dhex muuqday SSDF iyo kooxdii u xaglinaaysay garabka bidix.

1984 waxaa uu Mingistu xabsiga u taxaabay qaar ka mid hogaankii SSDF oo uu ka mid yahay Abdullahi Yusuf. Waxaana noqday hogaamiyhii SSDF Mohamed Abshir Walde.

1985 waxaa joogsaday hawlgaladi SSDF aay ku haaysay xukunkii Siad Barre.

1986 waxaa la qabtay shirweeynihii SSDF, waxaana gudoomiye loo doortay Dr. Hassan Ali Mire.

Waxuu jagadaa iska casilay 1988, jagaduna waay banaanaayd ilaa laga doortay Muse Islam inta la isugu yeerayo shirweeyne.

1988 Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa ku heshiiyey in colaada labada dawladood la joojiyo,Ethiopia waxaay xirtay xeryihii SSDF ,waxaay kaloo xirtay radio Halgan.

1988 dagaalyahanadii SSDF gudaha ayeey soo galeen waxaayna la waregeen degaanada mudug nugaal iyo gobolka bari.

Wixii ka danbeeyey 1991

Markii u dhacay xukunkii Mohamed Siyaad, waxaa jabhada SSDF u qaaybsantay labo qaaybood. Mid waxaa hogaaminayey Jeneral Mohamed Abshir Muse (Gudoomiye), kaas waqtigaa ku sugnaa Saudi Arabia, garabka kalana waxaa hogaaminayey Col.Abdullahi Yusuf Ahmed (Gug.ku xigeen), waxaa xohaye guud ahaa Mohamed Abshir Walde.

August 1994 ayaa shirweeyne la qabtay waxaa isimada qaarkood soo jeediyeen in Abdirizaaq Haji Hussein oo horay uga noqday Soomaaliya raiisul was are in loo magacaabo hogaamiyaha SSDF hase yeshee ma suuragalin.

Waxaa jagadaa qabtay Abdullahi Yusf, waxuuna dagaal kharaar ku qaaday ururkii Al itixaad oo haaystay magaalda Bosaaso iyo dekedaba.

PUNTLAND

1998 shirweeyne ayaa Garoowe lagu qabtay kaas oo socday muddo 3 bilood ah,waxaa shirkaa ka soo qaayb galay wakiilo ka socda Sool,Sanaag,Caayn,Bari,Nugaal,iyo Mudug,isimo Culumaa u diin, Aqoon yahano,waxgarad waxaana hakaa lagu dhisay markii u horaaysay maamul goboleedkii Puntland State of Somalia, waxaan madaxweeynihii u horeeyey Abdullahi Yusf Ahmed oo labo jeer xilkaa hayey,

2004 waxaa Abdullahi Yusuf Ahmed loo doortay Madaxweeynihii dawldadii ku meel gaarka ahaay ee Soomaaliya, kaas oo si rasmi ah dawlada u soo dajiyey Mugadisho Villa Somalia.

Somali National Movement

Waxaa la abuuray 1980-1990 waxaa abuuray oo hogaaminayey Beesha Dhexe ,Ujeedadeedu waxaay ahaayd sidii loo ridi lahaa xukuumadii Mohamed Siyaad, dabadeena aay uga go’I lahaayeen Soomaalida inteeda kale.

Madaxdii hogaaminaaysay SNM oo isaga dambeeyey waxaay ahaayeen:

Ahmed Mohamed Guleed; Sheikh Yusuf Ali Sheikh Madar; Col Abdulkadir Kosar: Ahmed Mohamed Mohamud; Abdirahman Ali Tuur.

April 1981 ayaa koox Somaaliyeed oo daganaayd bariga London (white chapel) aay sameeyeen SNM,

Sandkii ku xigay waxaay SNM saldhig ka dhigatay Diri dawa Ethiopia, waxaay bilabeen in aay weeraro ku qadaan Waqooyi Galbeed iyo Togdheer, sida SSDF ayeey SNM yeelatay garab milatari iyo mid siyaasadeed, hawgaladii ugu weeynaa ee aay qaadeen waxaa ka mid ahaa kii aay ku qadeen xabsiga Mandheera oo ah agagaarka Berbera halkaas oo maxaabiis ku xirnaayd aay ka siidaayeen.

Dawldadii Mohamed Siyaad waxaay ku soo rogtay xaalad deg deg emergency gobolada waqooyi.

March 19,1988 Mohamed Siyaad iyo Mingistu ayaa ku kulmay Jabuti waxaayna ku heshiiyeen in hawgalada u dhexeeya labada wadan la joojiyo hase yeshee wax yar ayaa ka hirgalay, March 1988 wasiirkii arrimaha dibada ee Ethiopia Berhanu Bayth ayaa Xamar yimid, waxaana lagu heshiiyey in xiriirkii dibolomatiga ahaa aay labada dawladood soo ceshadaan, maxaabiistii dagaalkana la is weydaarsado,xuduuda laga kala qaado ciidamada labada dal,dacaayadaha la kal joojiyo.

Xabshidu waxaay SNM ka gooysay mucaawanadii aay siin jirtay, SNM waxaay xiriir dhaw la yeelatay USC iyo SPM si hawlgalo looga qaado Konfurta Soomaaliya, waxaayna u fidisay labadaa jabhadood tageero milatari iyo mid siyaasadeedba labadaa jabhahdood, ujeedadu waxaay ahaayd in dhawr wajahadood oo dagaal uu ku furmo dawladda si aay awoodeedu u dhantaalanto.

May 27,1988 Snm waxaay soo qaaday weerar balaaran oo aay ku soo galeen Burao iyo Hargaysa, May 31,1988 Dawlduu waxaay xoog u garaacday goobihii aay SNM soo gashay waxaayna ku khasabtay SNM in aay ka baxaan magaalooyinka.

Waxaa halkaa ka dhashay dhimasho aad u balaaran waxaana ugu yaraan u qaxay dalka Ethiopia dad lagu qiyaasay 300.00 oo maati u badan, markaay Ethiopia SNM ka soo baxaday waxaay soo galeen waqooyi galbeed, waxaay ku guulaaysteen in aay dhul aad u weeyn qabsadaan, waayna kalsooni weeyn ka heleen dadweeynihii Reer Isaxaaq ee degaankaa ku nolaa, hase yeshee waqtigaa uma suuragalin in aay qabsadaan magaalooyinkii waaweeyna sida Hargaaysa;Burao; Berbera iyo Boorama. Iyadoo dawladii Mohamed Siyaad aay si tabar daraaynaayso,ayaa SNM xiriir dhaw la samaaysatay USC taas oo ka hawlgalaaysay koonfurta iyo SPM oo iyduna ka hawlgaaysay Bay iyo Jubooyinka jabhadaas oo ku hamiyayey in aay xukunka ka tuuraan Mohamed siaad Barre.

November 19, 1989, SNM iyo Spm waxaay soo saareen warmurtyieed aay ku tilmaamayaan in aay” mideeyeen siyaasadooda gudaha iyo dibadaba” September 12,1990, SNM waxaay isla heshiiskaas la gashay USC, November 24, 1990 SNM waxaay ku dhawaaqday in aay la midowday USC iyo SPM si aay u yeeshaan qorshe midaaysan oo aay kula dagaalamaan dawlada Mohamed Siyaad, SNM waxaay heshiis la gashay Jeneral Aidiid iyadoo khilaafka u dhexeeya USC uu sii balaaranayo. Bilowgii 1991, sadexda jabhadood waxaay sameeyeen horumar caskari ah oo la taaban karo.

January 26, 1991 USC waxaay Xamar uga dhawaaqday dawlad, taas oo SNM diiday in aay aqoonsato maxayeelay mar kasta waxaa u qarsoonaa SNM in aay ka go’do Soomaali inteeda kale taas oo aayna ka warhaayn USC iyoSPM.

Waxaa lagu laayey waqtigaa dad badan oo Soomali ah oo aan u dhalan gobolkaa iydoo loogu yeerayey FAQASHTII ma hayno tiradooda.

May 18,1991 SNM waxaay ku dhawaaqday in Waqooyi Galbeed aay go’day Soomaaliya inteeda kale aayn dhisan doonaan Somali Land Republic oo ilaa manta aan la aqoonsan.

Waxaa kale oo dagaalmay USC iyo SPM.

United Somali Congress (USC)

Waxaay ka mid ahaayd jabhadaha garbaka siaasadeed iyo kan caskariga ahba leh, waxaa la abuuray 1987, waxaay dawr weeyn ka ciyaartay rididii xukunkii dawladii Mohamed Siyaad 1991, waaxaay u noqotay yool United task Force campaign ee 1993.

Asaasayashii waxaa ka mid ahaa: Ali Mohamed Osoble Wardhiigley; Hussein Ali Shido, Mohamed Farah Aidiid.

Shakhsiaadka kale ee ku soo biiray waxaa ka mid ahaa: Mohamed Farah Aidiid, Ali Mahdi Mohamed (SNA),,Muse Suudi Yalxoow, Omar Mohamud Finish, Osman Caato.

2004 dagaalo dhex maray USC waxaay u qaaybsantay kooxo yaryar.

Jabhadan oo ka soo jeeda koonfurta (gobolada dhexe ) iyo shabeelada dhexe, waxaa garabkeeda siyaasadeed lagu asaasay caasimada Talyaaniga ROMA Janauary 1987. Garabkeeda military waxaa lagu asaasay Ethiopia 1996, waxaana hogaaminayey Jen. Mohamed Farah Aidiid, markii dambana waxaa badalay wiilkiisa Hussein Mohamed Farah.

Asbaabaha aay ku abuurantay jabhadani waxaay kala mid tahay kwii jabahadihii hore aan u soo sheegnay oo ku salaaysan cadaalad darro laga tabanayey xukunkii milatari ee dalka ka jiray.

1987-1991 waxaa jiray hawlgalo balaaran oo ka jiray goblada dhexe halkaa oo lagu laayey dad badan oo ka tirsan degaankaa.

January 26, 1991 Usc waxaay ku guulaaysatay in Mohamed Siyaad uu ka baxo Xamar, hase yeshee waxaay Usc ku guuldaraaysatay in aay abuurto jawi nabadgalyo oo aay heshiis kula gasho jabhadihii kale ee soo halgamay sida, SNM, SSDF iyo SPM.

Arrinta ugu weeyn ee dib u dhaca iyo kala jabka ku riday USC waa markii Ali Mahdi Mohamed loo doortay madaxweeynaha ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Markii Ali Mahdi loo magacaabay madaxweeynaha ku meel gaarka ah, USC waxaay u qaaybsantay labo qaaybood. USC/SNA oo hoos yimaada Aidiid iyo united somalicongress/ somali salvation alliance (USC/SSA) oo Ali Mahdi hoos yimaada, USC/SNA waxaay hoos timid Hussein Aidiid markii 1996 uu Abihii dhintay.

USC/SSA waxaa dabadeed hogaamiye u noqday ku xigeenkii oo ahaa, Musa Sudi Yalahow.

1998 ayaa labadii waaxood ee USC aay galeen heshiis nabadgalyo, arrintaasi waxaay si cadawtinimo ah u kala qaaybisay Yalhow iyo Ali Mahdi, dagaaliina wali Xamar waa ka socodaa.

Hussein Aidiid iyo Yalahow ayaa heshiiyey, waxaayna labadoodu ku biireen Ururka Hesiiskka iyo Dibu dhiska Soomaaliya (SRRC) sanadku markuu ahaa 2002. Arrintan waxaa ka soo horjeestay dawladii curdanka ahaayd TNG. Taasina waxaay keentay kala fogaansho dadkii raacsanaa Yalahow iyo USC/SSA iyo Omara Finish.

2001, Hussein Aidiid waxuu asaasay SRRC, waa garab hubaaysan oo ka soo horjeeda Dawlda TNG.

Waxaa xamar ka biloowday dagaalkii ahliga ahaa oo aan cidna loo aabo yeeleen, waxaa dadkii maatida ahaa oo ku nolaa magaalada loo isticmaalayaa hubka noocyadiisa kala duwan, waxaa biloowday qaxii ugu weeynaa ee abid ka dhaca Soomaaliya, dad aan la tiro koobi Karin ayaa ku dhintay dagaalkaa arxan la’aanta ah, sidoo kale dad aan la tira koobi Karin ayaa ku dhaawacmay.

Ummada Soomaaliyeed waxaay filaaysay in hadii Dawladii xukunka haaysay aay meesha ka baxday aay helayaan dawlad badasha oo soo celisa nidaamkii iyo dawladnimadii, nabadgalyadoodana damaanad qaada, hase yeshee taasi ma dhicin.

Somali Patriotic Movement

Somali patriotic movement (SPM) waxuu ahaa jabhad garab siyaasadeed iyo milatariba leh, qaayb weeyn bay ka ciyaartay dagaalkii ahliga ahaa. Waxaa markii hore hogaaminayey Ahmed Omar Jess, dabdeedna waxaa hogaaminayey Jen. Adan Abdullahi Nur Gabyow (wasiir hore ee gashaandhiga), waxaa saldhigeedu ahaa konfur Galbeed ama Jubada Hose waxaayna taageersanayeen in jubada hose aay ka taliyaan. Jabhada waxaa bilowgeedu ahaa dad ka soo jeeda Jubada Hose, degaan kaas oo hada lagu magacaabo Juba land.

Jabahada SPM markii hore waxaay la jirtay Jabhada UNC kuwaas oo isku ujeedo ahaa, arrinta weeyn ee u hirgashay labadan jabhadood waxaay ahaayd qabsashadii Balli Doogle maalmo ka hor inta uuna Siyaad Bare ka bixin Xamar.

Markii Mohamed Siyaad ka baxay xamar, ayaa Ali Mahdi uu ku dhawaaqay dawlad ku meel gaar ah isagoo ka tirsanaa qoladii la oran jiray Manifesto jabhadihii kalena kuma uu wargalin, SPM waxaa lagu edeeyey in aay la safantahay Mohamed Siyaad oo doonaya in uu soo rogaal celiyo waxaana lagu qaaday weerar.

GABAGABO

Halkaa waxaa ku burburay XDS iyo Dawladii ka jirtay Wadanka Soomaaliya, hubkii waxuu gacanta u galay jabhado war lords,iyo guud ahaan daweeynihii,waxaa lumay nidaamkii iyo xasiloonidii,waxaa biloowday dagaal ahli ah oo aan ku fadhiyn wax micna leh, waxaa la laa,yey dadweeyne aan wax dambi ah lahaayeen oo loo dilayo haybta uu dhasheen

Waxaa biloowday qaxii ugu weeynaa ee abid ka dhaca Soomaaliya.

Halkaas ayeey ku xirantay tariikhdii XDS, ma jiro ilaa manta oo aan joogno 2015 ciidan lagu tilmaami karo XDS ama leh sifooyinkiisii, waxaan ku tilmaami karnaa ciidan beeleed aan loo dhamaayn.

Waxaan ka sugaaynaa dawlada Soomaaliyeed in aay dalka u dhisto ciidan umadu ku kalsoontahay.

Waxaa qoray oo diyaariyey G/sarre Abdullahi Egal oo kamid ahaa Saraakiisha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, aegal35@gmail.com