CADAADO(SHL-NEWS)- Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa manta tagay magaalada Cadaado ee bartamaha Soomaaliya, wuxuuna ka qeybgalay dhaarinta Xildhibaano la sheegay in loo dhisay maamulka laga dhisayo gobal iyo labo degmo oo ka mid ah gobalada dhexe ee Soomaaliya.

Shaki cidna kama saarna dadka garanaya Sharciyada udagsan dawladda Soomaaliya iyo Nidaamka Faderaalka in uusan waafaqsaneyn shirka magaalada Cadaado, waxaana si wada jir ah udiidey dawladdaha Jubaland iyo Puntland oo ku sheegay in uu maamulkaas dhismihiisu Soomaaliya dib ugu celinayo dagaalo Sokeeye.

Jawaari oo ah gudoomiyaha baarlamaanka, lana filayay in ay diidaan wixii Sharci daro ah ayaa socdaalkiisii labaad oo uu ku tago meel ka baxsan Muqdisho iyo Baydhabo wuxuu ku tagay Cadaado, waxa ayna tahay talaabo muujinayso cadaawad balaaran oo u qabo Shacabweynaha degan Jubaland iyo Puntland.

Horay ayuuba ucadeystay Jawaari mar uu tagay Baydhabo cadaawada uqabo Shacabka Puntland, wuxuuna xiligaas sheegay in gumeysi iyo dilal loo geysto dadka udhashay Baay iyo Bakool ee degan deegaanada Puntland, taas oo ay si adag uga jawaabeen dadka gobaladaas udhashay ee manta dhaqaalaha xooga leh ku heysta deegaanada Puntland.

Socdaalkiisa ayaa ahaa buun-buunin ay isku soo afgarteen Madaxweynaha dawladda Faderaalka oo ay saaxiibo ku yihiin diidmada maamulada sida sharciga ah udhismay, waxaana muuqata in ay doonayaan in la hagardaameeyo Shacabka Soomaaliyeed dibna loogu celiyo dagaalo Sokeeye.

Labada Masuul waxa aysan fahamsaneyn khataraha ka imaanaya dhismaha maamuladan Sharci darada ah, waxaana la og yahay in ay Beesha Caalamka dhabarka ujeedisay Maamuladaas iyo waxyaabaha ay wadaan labadaan shaqsi oo ah in aysan Soomaaliya gaarin yoolashii ay ubaahneyd.

Wajiga dhabta ah ee labada Shaqsi waxa uu soo shaac baxay markii ay Saaxiibadood ugudbiyeen sheeko ah in ay ku dhawaaqaan in la kala diray baarlamaankii Jubaland, taas oo ay Beesha Caalamku u aragtay mid muujinaysa in ladoonayo in la dumiyo wixii dhisnaa si cadna loo diidey.

Madaxda dawladdaha Puntland iyo Jubaland oo ah labada ilaa hada si sharci ah udhisantay waxaa laga doonayaa in ay ku adkeystaan mawqifkooda Siyaasadeed ee ay ka gaareen waxa ka socda Muqdisho iyo Cadaado, ayna sidaas oo kale qaataan go’aamo masiiri ah oo ay kala tashanayaan Odayaashooda dhaqanka iyo Shacabkooda, taas oo ah in ay ka fiirsadaan ka sii mid ahaanshaha dawladda Muqdisho iyo dhawrashada ku tumashada Sharciyadii lagu heshiiyey 2004-tii.

SAHALNEWS.COM