BoqortooyadaRIYAD(SHL-NEWS)- Aasaaskii Boqortooyada Sacuudiga waxa uu ka soo bilaabmayaa qarnigii 18, markii ay iskaashadeen aasaasihii Dawladii Sacuudiga ee hore Maxamed Bin Sacuud iyo Shiikh Maxamed Bin Cabdilwahaab sannadkii 1745kii , Shiikh Maxamed Bin Cabdilwahaab oo ahaa Shiikh xilligaas ka soo baxay dhinaca bari ee Jasiiradda Carabta, dagaal cilmiyeedna ku qaaday dhaqamo badan oo xilligaas ka jiri jiray Jasiiradda Carabta sheegayna in uu doonayo in uu diinta islaamka kala dagaalamo waxyaalaha lagu soo daray oo uu ku tilmaamay dhaqamo ilaahay cibaadaddiisa cid kale lala wadaajinayo(Shirk), isla markaana maanta loo nisbeeyo aragtida Wahaabiyadda.

Sannadkii 1818kii ayaa waxa weerar ku soo qaaday dawladii reer Al-sacuud ee uu hogaaminayey Maxamed Bin Sacuud Ciidamo ka socday dawladii Cusmaaniyiinta, ciidankaas oo laga soo diray Masar oo ka amar qaadanayey nin lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Baashaa , waxayna ku guulaysteen Ciidankii dawladii Khilaafada Cusmaaniyiintu in ay qabsadaan deegaankii uu ka talinayey Maxamed Bin Sacuud.

Hasa yeeshee sannadkii 1824 ayey mar labaad qoyska reer Al-sacuud waxay qabsadeen deegaanka Daraciya oo hadda ay ku fiday magaalada Riyaadh, Khilaaf ka dhex dhacay qoyska reer Al-sacuud xilligaas ayaa waxa uu sababay in qoys kale oo ay loolama jireen oo lagu magacaabi jiray Al-Rashiid ka qabsadeen deegaankii ay xukumi jireen waxayna u qaxeen dalka Kuweyt, halkaasna waxaa ku burburtay dawladdii Koowaad ee reer Al-sacuud.

Sannadkii 1902 ayaa qoyska reer Al-sacuud mar kale soo rogaal celiyeen , iyada oo uu xilligan hoggaaminayey Cabdilcasiis Bin Cabdiraxmaan Al-sacuud , waxayna magaaladii Daraciya iyo Riyaadh-ba ka qabsadeen qoyskii haystay ee Al-Rashiid.

Muddo kooban ayaa waxa fiday xukunkii qoyska reer Al-sacuud iyaga oo deegaanno badan dagaal ku qabsaday sannadkii 1913 , gacantana ku dhigay xeebaha bariga ee Jasiiradda Carabta.

Sannadkii 1925kii waxay gacanta ku dhigeen dhinaca galbeed ee Jasiiradda Carabta oo ay ku jiraan magaalooyinka Makka Al-mukaramah Iyo Madiina Al-munawarah.

Marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Cabdicasiis Bin Sacuud waxaa loogu yeedhi jiray xilligii uu waday halgankii uu dawladiisa ku fidinayey Shiikh ,marna Amiir ,marna Suldaan, hasa yeeshee sannadkii 1932 ayuu ku dhawaaqay in uu aasaasay Boqortooyada Sacuudi Careebiya, isagana loogu yeedhay Boqor Cabdilcasiis Bin Cabdiraxmaan Al-sacuud, ka dibna waxa uu dhidibada u taagay Boqortooyo dhul baaxad weyn ka talisa.

Si Boqortooyadu u xoogaysto isla markaana cadowgiisu u yaraado wuxuu la xididay Boqor Cabdicasiis qabiilooyin xoog kulahaa Jasiiradda Carabta wuxuuna dhalay 45 Caruur ah, waxaana lagu qiyaasaa qoyska reer Al-sacuud xilligan 25kun oo qof , marka lagu daro reer Boqor Cabdi Casiis, 200 oo ka mid ahi ay xilalka dalka ugu sareeya hayaan.

Sannadkii 1938kii wuxuu ahaa sanadkii Boqortooyada Sacuudiga dhidibada xoog loogu sii adkeeyey ka dib markii Batroolka laga helay, wuxuuna noqday dalka Sacuudigu wadamada ugu hodansan adduunka, iyada oo xilligan maalintii uu soo saaro Sucuudigu 10 milyan oo foosto.

Boqor Cabdilcasiis Al-sacuud waxa uu geeriyooday sannadkii 02.11.1953kii waxaana boqor loo dortay dhaxal sugihiisii oo ahaa wiilkiisii Sacuud Bin Cabdilcasiis, hasa yeeshee Sacuud waxaa lagu eedeeyey in uu si gurracan u maareeyey hawlihii dawladda, waxaana ay walaaladii casileen oo xilkii ka qaadeen sanadkii 1964, iyada oo boqor loo doortay Faysal Bin Cabdilcasiis oo ay kala bah ahaayeen.

Boqor Faysal waxaa lagu tilmaamaa boqorkii ugu saamaynta badnaa ee soo mara boqortooyada Sucuudiga , isla markaana Sacuudiga isbadelkii ugu weynaa ka sameeyey dhinaca horumarka, xilliguu uu Boqorka ahaana dunida islaamka arrimo badan ka qabtay gaar ahaan aasaaskii ururka dalalka Muslimiinta, aadna isu garab taagi jiray dawladaha islaamka , sannadkii 1975kii ayaa isaga oo wasiirka Batroolka ee dalka Kuweyt xilligaas isu diyaarinaya in uu la kulmo oo xafiiskiisi ku sugan waxaa u soo galay wiil uu adeer u yahay oo lagu magacaabi jiray Faysal Bin Sacuud Bin Cabdilcasiis wuxuuna ku furay Baastoolad uu watay , Boqor Faysalna halkii ayuu markiiba geeriyoodey.

Boqor Faysal Waxaa ku xigay Boqor Khaalid oo isaguna geeriyoodey sanadkii 1982kii , waxaa isaguna xukunka qabtay Boqor Fahad oo xilligiisii marxalado adag soo mareen dalka Sacuudiga , ayna ugu cuslayd dagaalkii gacanka markii uu Saddam Xuseen qabsaday dalka Kuweyt sanadkii 1990kii, Boqortooyada Sacuudigana u uu hanjabay, taasina ay keentay in Sacuudigu ciidamo Maraykanka ah u yeedho si loo difaaco, wuxuu Boqor Fahad isaguna geeriyoodey sanadkii 2005, Boqor Cabdalla Bin Cabdicasiis Al-Sacuud ayaa isaguna ku xigay Boqor Fahad , Boqor Cabdalla ayaa isaguna geeriyoodey 23.01.2015.

Isbadelkan uu xilligan ku talaabsaday Boqor Salmaan ayaa lagu tilmaami karaa in uu yahay isbadelkii ugu weynaa ee dhinaca xukunka oo uu ku talaabsaday Boqor reer Al-Sacuud ah tan Iyo markii Boqor Cabdicasiis dhidibada u tagaagay Boqortooyada Sacuudiga isaga oo qaabka xukunka ku dardaarmay in wiilashiisu kala dhaxlaan, iyada oo sida lagu yaqaanay Boqor-tooyooyinka in wiilku aabihii dhaxlo, qaabkii uu u dardaarmay Boqor Cabdicasiis oo soo taxnayd tan iyo sanadkii 1953 ayaa maanta waxa ay Boqortooyada Sacuudigu u gudubtay jiilkii labaad ee caruurta uu dhalay Boqor Cabdicasiis iyada oo talaabadan lagu tilmaamay mid uu ku dhiiraday Boqor Salman oo isagu 79 jir ah dareemayna raggii uu dhalay Boqor Cabdicasiis in aanay marxaladan ku haboonayn loona baahan yahay in jiilka labadaad loo diyaariyo xukunka si ay u sii jirto Boqortooyadu, arrinta xukunka Sacuudiga Iyo ammiirada gaboobay oo muddooyinkii ugu danbeeyey reer galbeedku aad u danaynayeen isla markaana ka wer-wersanaayeen, iyaga oo u arkayey in danaha ay Sacuudiga ka lee yihiin khatar ku soo socoto haddaanay qoyska Boqortooyadu xal u helin xaaladdan Ammiirada gaboobay , maadaama Sacuudigu dhaqaalaha adduunka kaalin mugweyn kaga jiro, raadna ku leeyahay.

Loolanka Ka Dhaxeeya Qoyska Boqortooyada.

Loolanka qoyska xukunka haya ee reer Cabdicasiis ayaa ah mid markasta oo isbadelo waaweyn la soo gudboonaadaan soo shaac baxa , waxaana loogu hadal hayn badan yahay Laba qaybood oo kala ah Bahda Sadiiriyiinta oo hooyadood ka soo jeedo qabiilka Sadiiriyiinta kuwaas oo kala ahaa Fahad , Suldaan, Naayif , Iyo Salmaan Boqorka xukunka hadda haya , waana bahdii ugu badnayd caruurtuu dhalay Boqor Cabdicasiis, inta kale oo kalo baho ahaa ayaa awoodooda ka dhigay kuwa dhariga Siyaasadda iyo hogaanka ee Sacuudiga laga xigsado .

Bahaha kale oo iyaguna dhinac ah, Amiir Miqrin ayaa loo arkayey markii loo magacaabay dhaxal sugaha nin aan xilkaas sii wadi karin Boqorna aan ka noqon karin Sacuudiga maadaama hooyadii aysan ka dhalan qabiil xoogweyn , oo hooyadii ka soo jeedo Yaman , isla markaana aan la dhalan walaalo badan.

Waxaana loo arkayey nin marxalad adag looga gudbayey maadaama aysan Sadiiriyiintu hadda dhaxal suge u magacaabi karin nin dhalinyaro ah oo Cabdicasiis dhalay oo kaalintaas buuxiya , waana sababta loogu ladhay dhaxalsugaha labaad oo uu dhalay Amiir Naayif oo isagu geeriyooday isagoo dhaxal suge u ahaa Boqor Cabdalla oo hooyadii ka soo jeeday qabiilka Shamariyiinta , iyada oo uu Boqor Fahad meel uu ka maro waayey markuu xukunka qabsaday oo uu jeclaa walaalkiisii ay isku bahda ahaayeen ee Suldaan in uu Dhaxal Suge ka dhigto .

Hasa yeeshee waxaa kadis noqotay in sadex bilood ka dib Amiir Miqrin laga leexiyo xilkuu hayey inkasta oo Amiir Miqrin ahaa dadkii ugu horeeyey ee la baayactama amiirada cusub, la sheegayna in uu isagu codsaday in uu xilka iskaga dego, haddana arrintani waxay muujisay sida ay xidida u sii adkaysteen Bahda Sadiiriyiintu , iyada oo dhaxal Sugaha koowaad yahay Amiir Maxmed Bin Naayif(56jir) kan labaadna Amiir Maxmed bin Salmaan(30jir) oo dhamaantood ka soo jeeda bahda Sadiiriyiinta.

Talaabadan uu qaaday Boqor Salmaan oo ah talaabo isbadelweyn ah waxaa lagu tilmaamay mid lagu doonayo in Sacuudiga ay hoggaamiyaan xubno dhalinyaro ah oo marxaladan Cusub ee dunida carabta isbadeladu ka socdaan looga gudbo, koox midaysanna qabtaan hannaanka siyaasadda dalka oo dagaalada ka socda Suuriya , Ciraaq iyo Yaman intuba raad ku leeyihiin mustaqbalka Sacuudiga oo ay qayb ka yihiin Sacuudiyiintu hurinta dagaalka Suuriya , hoggaamiyaana gaashaanbuurta dagaalka ka wada dalka Yaman.

Amiir Miqrin oo isagana loo arkayey nin aan isbadeladan la jaan qaadi karinna goobta laga leexiyo , iyada oo ay soo baxeen warar sheegayey in aanu la dhacsanayn hawl galadda ka socda dalka Yaman.

Mustaqbalka Xukunka Reer Al-sacuud.

Sidii ku dhacday dawladii hore ee reer Al-Sacuud qarnigii 18aad oo ku burburtay khilaaf gudaha qoyska reer Al-Sacuud ka yimi, ayaa khatarta xilligan ee soo afjari karta xukunkan lagu tilmaamay sadex arrimood.

1.Loolan ka dhex qarxa qoyska Reer Al-Sacuud oo iyagu baho u kala safan, iyaga oo aad ugu dadaala in aanu bannanka u soo bixin loolankaasi , hasa yeeshee dadka Siyaasadda Sacuudiga isha ku hayaa la socdaan, markasta oo Boqor geeriyoodo oo meesha ka baxana , iska riixashada xilalaku dib u soo cusboonaadan, iyadoo baho laysu garabsanayo.

2. Kacdoon gudaha ka kaca oo ay dhiiradaan shacabka Sacuudiga oo maalinba maalinta ka sii danbaysa dhalinyaradu sii badanayaa , aqoontu sii badanayso , shaqo la’aanta, guryo la’aanta, adeegyada bulshada oo aad u liita sida wadooyinka, oo markasta oo roob da’o burbura, adeega caafimaadka oo aad uliita marka loo eego dhaqaalihii wadanka soo galay 40 Sanno ee ugu danbaysay ee uu bartoolkuna qaaliga ahaa.

Koox ammiiro ah oo hantidii wadanka 90% gacanta u gashay, dhalinyaradii oo isgaadhsiinta bulshada aad u adeegsata Sacuudiguna yahay wadanka loogu adeegsiga badan yahay Bariga Dhexe Youtube, Facebook, iyo Twitterka.

Dhalintaasi waxay dareemi karaan xaquuq badan in ay ka maqan tahay oo barwaaqada wadankooda ka qatan yihiin , taasi waxay dhalinkartaa khatar xukunka reer Al-sacuud in ugu yaraan lala wadaago sababtoo ah 100 Sanno ayey ka talinayaan wadankaas oo xubno wasiiro ah oo aan awood lahayn moojaane aan lala wadaagin awooda dalka, iyada oo 13 gobol ee Sacuudiga ay badhasaabo ka yihiin 13 ammiir.

3. Ururada xagjirka ah ee xilligan ka dagaalama bariga dhexe sida Daacish iyo Alqaacida, oo labada ururba aaminsan yihiin in ummadda Islaamku dib u soo ceshato Khaliifkii Muslimiinta, lana doono dawlad ay hoos hadhsadaan dhamaan Musliimiintu oo sharaceeda islaamka lagu xukuma , kooxahaas oo xoogaysan kara lana wareegi kara dalalka Ciraaq iyo Suuriya taas oo u sahlaysa in ay hungureeyaan Sacuudiga oo aan ciidan xoog weyn oo dhulka ah haysan hasa yeeshee ciidanka Sacuudigu uu dhinaca cirka ka dhisan yahay, arrimahaas oo isbiirsadaa raad ayey ku yeelan karaan dawladad Sacuudiga.

Waxaase aad loo xoojinayaa in isbadelkan uu ku talaabsaday Boqor Salmaan uu dawladda reer Al-Sacuud dhidibada u sii adkayn karo sannadaha soo socda , ilaahay ayaase og halka xaal ku danbayn doono.

Tixraac.

1 الثورة الكبري العربية
سعيد أمين
Kacdoonkii Carbeed Ee Weynaa.

2 تاريخ العربية السعودية
فاسيلييف اليكسي
Taariikhda Al-carabiyaha Al-sacuudiya
Alexei Mikhailovich Vasiliev.
3. يقظة العرب
جورج انطونيوس
Baraaruga Carabta
George Anthony