Haweenay u dhalatay qoomiyada Kurdish ka ayaa la sheegayaa inay isku qarxisay xoogaga ISIL ee ka dagaalama gudaha wadanka Syria.

Qaraxaan ismaadiminta ah ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhacay magaalada Kamboni oo saaran xadka Syria uu la wadaago wadanka Turkiga.

Haweenaydaan ayaa la sheegay inay isku xirtay walxaha qarxa ka dibna ay la bartilmaansatay xoogaga ISIL ee kusugan magaalada Kamboni.

Magaalada Kamboni ayaa lasoo sheegayaa inay dagaalo xoogani ka socdeen mudo todaabad ya ah halkaas oo ay xoogaga ISIL la wareegeen qaybo badan oo ka mid ah magaalada Kamboni.

Falkaan ayaa kusoo aadaya xili xoogaga ISIL ay kala kulmayaan hujuum colaadeed qabaa’ilada Kurdish ka ah ee daga Xadka Syria iyo Turkey ga iyo waliba qaybo badan oo ka tirsan waqooyiga wadanka Ciraq.