Iska hor imaad ayaa saaka aroortii wuxuu ka dhacay deegaanka Jazeera ee duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan goob ay fariisin Milateri ku leeyihiin ciidamada Milateriga Xooga dalka Soomaaliyeed.

Dhacdadaan, ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii ciidamo hubaysan oo aan la garaneyn ilaa iyo hada waxa ay yihiin ay rasaas ku harqiyeen ciidanka Milateriga ee fariisinka ku leh halka lagu magacaabo Baqal oo deegaanka Jazeera ka tirsan.
Sida dadka deegaanka ay warinayaan, mar qura ayaa la maqlay xabado la is dhaafsanayo oo dadkii meesha ka agdhawaa argagax geliyay, muddo kadibna ay istaageen xabadihii.
 Wariyaha BBC-da ee Magaalada Muqdisho  ayaa sheegay in iska horimaadka uu saaka halkaasi ka dhacay, balse aan la heyn faah-faahin rasmi ah oo ku aadan ciidamada soo weeraray kuwa Milateriga ee fariisinka ku leh deegaanka Baqal.
Warar dadka deegaanka laga soo xigtay ayaa sheegaya inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamada Milateriga ee weerarka lagu qaaday, waxaana la sheegayaa in labo askari ay ku geeriyoodeen halkaasi balse aan laheynin faah-faahin intaasi ka baxsan.

Sahal News , Muqdisho.