Wasaarada amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya, ayaa faah-faahin waxa ay ka bixisay howlgaladii ciidamada ammaanka Dowladda ay ka sameynayeen wadooyinka soo gala Magaalada Muqdisho, maalmaha ciida, kadib amarkii Wasaarada amniga kasoo baxay ee ahaa in Magaalada uusan soo geli karin qof 40-sano ka yar.

Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid ammaanka caasimada lagu xaqiijinaayay, iyadoo dadka Magaalada soo galaayay la weydiinaayay damiin.
Wuxuu sheegay in intii howlgalkaasi uu socday ciidamada ay qabteen ku dhawaad 8-dhalinyaro ah oo lagu tuhmay inay Shabaab ka tirsan yihiin dadkana ay ku dhibaateen jireen Magaalooyinka Shabaab ay maamulaan.Baaritaano ayuu sheegay in la marsiin doono dadkaasi si sharciga loo waafajiyo.
Halkan Ka Daawo v ideo.