Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed   Gaas oo Magaalada Garoowe   Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in Al-shabaab ay wali  Khatar ku yihiin Amaanka Maamulka Puntland  islamarkaana ay dhici karto Weeraro ay ku soo qaadaan Deegaanada Puntland,Weerarkaas oo ay ku doonayaan in ay uga Jawaaban Dagaalkii Gal-gala.

C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay Macquul tahay in Al-shabaab ay Beegsadaan Saraakiisha iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Puntlanda Dilal Qorsheysana ay ku Fuliyaan.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ka Codsaday Odayaasha Dhaqanka Culumadda Dhalinyarada iyo Haweenka in ay ka qeyb qaataan Dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Halkan Hoose Ka Dhagayso.

Gaaas-450x270

 

Sahal  News, Garowe, Puntland.