Dawalada cusub ee dalka Sweden, ayaa go’aansatay in ay ictiraafto dawlada dalka Falastiin, sidaana waxa sheegay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee wadanka Sweden, Mr Stefan Lofven. oo la hadlayay baarlamaanka dalkiisa.

Sweden ayaa noqon doonta dawladii ugu horaysay ee ka mid ah dalalka waaweyn ee ku jira Midowga Yurub ee aqoonsata Falastiin.

Dhawaaqan ka soo yeeray dawlada Sweden, ayaa ku soo beegantay xilli uu jiro cadaadis ku saabsan dagaalkii dhimashada aadka u badan keenay ee dhawaan ka dhacay Gaza ee Israa’iil ay ku bar-timaameedsatay dadka rayidka ah iyo arrimo kale. dagaalkaas oo keenay in nacayb badan oo ka dhan ah Israa’iil uu ka abuurmo wadamada Yurub.

Halkan Ka Daawo Video.