Waxaa maanta si buuxda magaalada Baraawe gacan ku haynteeda ula wareegay Ciidamada  huwanta ah ayagoon wax iska cabin kala kulmin ururka Alshabaab.

Ciidadamada dawladda Soomaaliya iyo  kuwa nabad Ilaalinta ah ee AMISOM ayaa ka galay magaalada dhowr jiho ayagoo si  taxadar ah ula wareegay guud ahaan magaalaada xeebeedka Baraawe.

Wararka ugu danbeeyay ee aanu ka  haleyno magalaada Baraawe ayaa sheegaya inay magaalada Baraawe ay dagantahay Isla mar ahaanta xaaldu ay kusoo noqotay sideedii  hore.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose Cabdi qaadir  Nuur Siidi ayaa mar uu warbaahinta la hadlayay sheegay in magaalada Baraawe xaladeedu ay  tahay mid dagan oo aan wax dhibatao ah ka dhicin.

Dhanka kale ciidmada Huwanta ayaa la arkayay ayagoo isku balaarinaya Xarumaha halbowlayaasha u ah magaalada Baraawe.

Ciidankii Alshabaab  iyo masuuliyiintiiugu sareesay Alshabaab ee ku sugnaa magaalada Baraawe ayaan ilaa hadda la ogayn meel ay u jiheesteen.

ty 14-1 24 24-1)