Gudoomiyaha Xisbi Siyaasadeed oo la magac baxay TIIR Faadil Sheikh Maxamuud kana mid ah aqoonyahanada ku nool gobolka Minnesota oo ay Soomaalidu ku nool dalka Mareykanka ku badan yihiin ayaa sheegay inuu daneynaayo ka qeyb galaayo doorashada madaxtinimada dalka ee sanadda 2016.

Mr. Faadil ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo siyaasada awood qeybsiga beelaha ee 4.5 sidoo kale sheegay inuu si ka soo horjeedo magacaabista xilka wasiirka kowaad. isagoo sheegay in doorbidaayo in la helo Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen si loo yareeyo khilaafka iyo isku dhacyada dhanka maamulka ee wasiirka koowaad iyo madaxtooyada.

Ugu dambeyntii waxuu dadka Soomaaliyeed ka codsadey in ay xisbigiisa siyaasadeed ku soo biiraan si uu mustaqbal wanaagsan dalka ay gaarsiiyaan.

faadil