TUKA-RAQ(SHL-NEWS)-Xiisad Dagaal oo aad uxoogeysaneysa  ayaa ka taagan deegaanka Tuka-raq ee gobolka Sool, halkaasi oo maanta ay ku dagaalameyn ciidamo ka kala tirsan Maamulada  Soomaaliland iyo Puntland oo muddooyinkii ugu dambeeyay isku hor fadhiyay deegaankaasi.

Warar is qilaafsan ayaa ka soo baxaya dagaalkaasi kuwaasi oo qaarkood tibaaxayaa in khasaaro uu soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay inkastoo aan si rasmi ah aan loo xaqiijin Karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Dagaalkii maanta.

marka laga yimaado dagaalkani dhinaca kale waxaa 13 kii Bishan may magaalada Garoowe ee caasimada maamulka puntland ku kulmay Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo Ergeyga Qaramada Midoobay Uqaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michael Keating, iyaga oo ka wada hadlay xal ka gaarista Colaadani ka taagan Tuulada Tuka-raq, sidoo kale Ambassador Michael Keating ayaa Maanta Magaalada Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi kana wada hadleen sidii loo Dhameyn lahaa Dagaalka udhexeya labada Maamul oo umuuqda mid sii dheeraanaya.

SAHALNEWS.COM