NEW YORK(SHL-NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya  Xasan Cali Khayre, ayaa Tacsi u diraya eheladii, qoysaskii iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray Jimciyada Quruumaha ka dhexeysa Marxuum Cabdiraxiin Caabi Faarax oo ku geeriyooday Magaalada New York ee dalka Mareykanka.

“Inaa li laahi wa inaa Ileyhi Raaji Cuun allah ha u naxariisto marxuumka, ehelkii iyo qaraabadii uu ka Geeriyooday Samir iyo iimaan Rabbi haka siiyo. Amb. Cabdiraxiin Caabi Faarax waxuu ahaa halyeey Soomaaliyeed oo in badan ka soo shaqeeyay arrimaha xal u raadinta Soomaaliya, Isagoona ku dedaali jiray in ay mar kale Soomaaliya dawladnimadeedii ku soo laabato si dunida ay la jaan qaado.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Marxuum Cabdiraxiin Caabi Faarax wuxuu ahaa Diplomacy Saameyn ku lahaa siyaasada dalka soomaaliya ahaana siyaasi u soo hal gamay y dalka Soomaaliya iyo Qaramadda Midoobay, isagoona ahaa shakhsiga kaliya ee Soomaaliyeed oo noqday kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Qaramadda Midoobay.

Dhinaca kale  waxuu ahaa qofka kaliya ee ka soo jeeda qaaradda Africa kaas oo ku dhawaaday in loo doorto Xogayaha Guud ee Ururka, taas oo sharaf u ah magaca guud ee ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan.

SAHALNEWS.COM