BAYDHABO (SHL-NEWS)-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Mdoowe) oo Khudbad ka jeediyay Shirka ka socda Magaalada Baydhabo ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in aysan ka dhabeyn Balanqaadyadii Shirkii hore ay u yeesheen Golaha Amniga Qaranka ee lagu go,aamiyay dhowr Qodob.

Waxaa uu sheegay in Shirka Maanta ka furmay Baydhabo uusan aheyn mid dowladda Soomaaliya lagu duminaayo laakiin uu yahay Shir lagu saxaayo Khaldaadka ka jira dhinaca dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay Cidii imaan laheyd 2020-ka taasina ay tahay wax laga xumaado, maadaama la doonayo inta kasokeysa in si aad ah loo shaqeeyo lagana fikiro howlaha horyaal masuuliyiinta dalka gaar ahaan howsha 2020ka.

Waxaa uu sheegay in hadda la dayacay Shaqooyin badan oo laga doonayay in ay qabato dowladda Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa ugu dambeyntii ku baaqay in dadka Soomaaliyeed si dhab ah wax loogu qabto lana marin habaabinin waajibaadka shaqo ee loo idmaday hogaanka dalka.

SAHALNEWS.COM