MUQDISHO(SHL-NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeero uu ugu kuur gelayay xaaladda amni ee caasimadda Muqdisho waxa uu ku soo maray qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Benaadir.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay kormeerkiisa ku wehliyeen Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka Nabad-sugidda iyo saraakiil kale ayaa ciidamadda xasilinta waxay la qaateen waqti iyagoo kula dardaarmay inay laba jibaaraan shaqada ay qaranka u hayaan ee dhank amniga.

Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka warbixiyay kormeerka shaqo ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ku  sameeyay Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ahaa mid loogu kuur-galayay amniga Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Wasiirka amniga ayaa waxa uu sheegay ujeedka hadafka Kormeerka inuu ahaa in Ciidamada ay la qeybsadaan xaalada ay ku shaqeynayaan, maadaama uu tilmaamay inay yihiin Mas’uuliyiinta Qaranka Amniga ugu Xilsaaran.

Kormeerkan amni ee xalay ay Muqdisho ku mareen  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirkiisa Amniga islamr ahaantaasina ay saacadaha badan Ku bixiyeen ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu xoojinayo amniga Caasimadda Soomaaliya Ee Muqdisho, inkastoo weli ay Muqdisho ka jiraan falal amniga lidi ku ah.

SAWIRRO.

FB_IMG_1526265731501 FB_IMG_1526265714441 FB_IMG_1526265726722 FB_IMG_1526265722263 FB_IMG_1526265717823

SAHALNEWS.COM