BAYDHABO(SHL-NEWS)-Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaa maanta ka Furmaya Shirka Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, oo ay ku Mideysan yihiin Madaxweynayaasha 5 Dowlad Gobaleedka ee hoos-taga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyadda Puntland, Jubbaland, Galmudug Iyo Hirshabelle ayaa Shalay Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya, Iyadoona halkaasi si Diiran ay ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, xubno ka tirsan maamulkiisa iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee Baydhabo.

Shirkan oo ka Furmaya Xarunta Madaxtooyada Baydhabo, ayaa noqon doona shirkii labaad ay yeeshaan Madaxda Dowlad Gobaleedyada, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Baydhabo, Iyadoona Ciidamo Fara badan Lagu Daadiyay Waddooyinka Magaalada iyo Banaankeeda.

Ajandayaasha Shirkan looga Hadlayo ayaa lagu Sheegay inay yihiin Xaalada Ammaan ee Dalka, Siyaasadda Dowladda ee ku Wajahan Khilaafka Khaliijka, Xiisada Dublamiyadeed ee Dowladda Federaalka Iyo Imaaraadka Carabta, Arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka iyo Dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, oo markuu Baydhabo gaaray Shalay ka Hadlay Shirkan maanta Furmaya, ayaa Sheegay inuu Muhiim u yahay Dowladnimada Soomaaliya.

Shirkan ayaa ku soo beegmay, iyadoo Madaxweyne Farmaajo ay Booqasho Labo Maalmood ah uga Bilaabatay dalka Qatar, sidoo kale dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa xilligan ka dhex taagan khilaaf asalkiisa ka bilowday xiisadda Khaliijka iyo sida dowladda Federaalka u takoortay Imaaraadka Carabta oo xiriir dhow la leh dowlad goboleedyada.

DHAGEYSO.

Baydhabo-Koonfur Galbeed.

SAHALNEWS.COM