BELEDWEYNE(SHL-NEWS)-Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee dhowaan xilka laga qaaday Cali Jeyte Cismaan ayaa shuruud ku xiray inuu xilka wareejiyo, isagoo ka hadlay sababaha uu u diidan yahay inuu xilka wareejiyo.

Cali Jeyte oo la hadlayay warbaahinta Maxaliga ah ayaa sheegay inuu horay xilal kala duwan ka soo qabtay, isla markaana si nidaam leh uu xilka u tiriyay, waxaana uu xusay in tallaabadan uu qaaday aanay aheyn wixii laga bartay.

Mr. Jeyte ayaa sheegay in waxa la isku heysto aanay aheyn cida Guddoomiye ah, balse ay dhibaatada ka jirto lacago laga qaado Gobolka Hiiraan oo sida ay u dhan tahay lagu shubtay akoonada iyo balamo looga baxay bulshada kun nool Gobolka.

Cali Jeyte ayaa sheegay in lacagaha ka soo xarooto Gobolka Hiiraan ay shaqsiyaad gaar ah lunsadeen, taasna aanay aheyn wax la aqbali karo, waxaana uu qiray in Lacag dhan $1, 475, 000 aan illaa iyo haatan la ogeyn halka ay ku baxday.

Munaasabada xil wareejinta oo lagu waday inay ka dhacdo ayaa u baaqatay sababo ku aadan muranka lacagaha la isku heysto ee gobolka laga qaado halka ay ku baxeen, taasoo xiisad dhalisay.

DHAGEYSO.

SAHALNEWS.COM