BOOSAASO(SHL-NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Soomaaliya xiriirka ugu weyn ay la leedahay Imaaraadka Carabta, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in saraakiil Imaaraad ah lagu qash-qashaaday Garoonka Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland Dr. Gaas ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta uu xiriirkooda mid qiimo gaar ugu fadhiyo iyo qadarin, isla markaana ay wadaagaan xiriir xag amni, ganacsi iyo dhaqan soo jireen ah.

Waxaa uu sheegay in ciidan gaaraya illaa labo kun askari oo ka howl gala Puntland ay u tababareen, kuwaasoo ka howl gala Barriga iyo Badda, isla markaana ka qeyb qaata howl galada la dagaalanka burcad badeedka iyo xagjirnimada.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in ciidankaas ay tababareen Imaaraadka Carabta ay yihiin ciidan leh qalab isku filan oo qalabkooda dhameystiran yahay, isla markaana uu akhlaaqdooda wanaagsan tahay, kuna sugan Garacad illaa Boosaaso, lana dagaalamayaan Daacish, Al-Shabaab iyo Burcad badeedka sida uu yiri.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka codsaday Imaaraadka Carabta inay joogaan oo ay sii wadaan tababarka iyo taageerada ay siiyo Cidamada, isla markaana ay sii laba jibaaraan.

Waxaa uu sheegay in Imaaraadka Carabta ay howl maalgelin iyo mashaariic ka wado Puntland, kuwaasoo ku baxaya boqolaal milyan oo ay ku maalgelinayaan ballaarinta Dekeda Boosaaso iyo mashaariic kale oo ay ku jiraan dhismaha waddooyin.

Madaxweyne C/wali gaas ayaa sheegay in wixii qaladaad dhacay uu ka bixinayo cudur daar iyo raalli gelin, isla markaana Imaaraadka Carabta ay yihiin saaxibo, lana shaqeynayaan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa booqday Xerada Ciidamada PMPF ee ay tababareen Imaaraadka Carabta, waxaana kormeerkiisa ku wehliyay Senator ka tirsan Aqalka Sare, waxaana dhankooda ay muujiyeen muhiimada xiriirka Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyay howshii tababarka ciidamada iyo taageerada ay siin jireen, kaddib markii uu xumaaday xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, waxaana Imaaraadka cambaareysay dhacdadii 8-dii bishan ka dhacday garoonka Muqdisho, halkaasoo diyaarad laga lahaa Imaaraadka Carabta lagu xanibay iyo lacago mallaayiin doollar oo ay ciidamada ammaanka ku qabteen, lacagtaasoo ay sheegeen Imaaraadka Carabta in loogu tala galay mushaar siinta Ciidamada ay tababareen.

DHAGEYSO.

SAHALNEWS.COM