MUQDISHO(SHL-NEWS)-Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jawaari, ayaa ku eedeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu qas ka wado Baarlamaanka.

Xildhibaan Goodax oo ka qeyb galayay barnaamij dood ah oo ka baxayay Telefishinka Somali Cable ayaa sheegay in Xasan Sheekh iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay qeyb ka yihiin xaalada siyaasadeed.

“Waxaa xaqiiqa ah oo shaki aan ku jirin Xildhibaano kooban oo ka tirsan nidaamkii hore ee Damul-jadiid la dhihi jiray ee damacsan Xukuumaddaan inaysan maalin horay u socon, Madaxweynahooda oo tuute gashtay oo xero u guuray in la fur furo oo la cambaareeyo oo dowladii ay shaqeyn wayso waa damiir xumo, Baarlamaanka isaga oo matalaya umadda Soomaliyed waa in la dhahaa naga fariista Xildhibaanadaasi”ayuu yiri Xildhibaan Goodax Barre.

Mr Goodax ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu adeegsanayo Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka, gaar ahana kuwa isaga taabacsan, isla markaana uu taleefano kula soo hadlayo sida uu yiri.

Xildhibaan Goodax ayaa ammaanay Madaxweyne Farmaajo oo uu sheegay inuu tuute xirtay, isla markaana degay Wasaaradda Gaashaandhigga, kana wado abaabul dagaal, balse ay jiraan Xildhibaano xagal daacinaya horumarka dowladda ku tallaabsatay.

DAAWO.

SAHALNEWS.COM