Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu xilkii ka qaaday xoghayihii arrimaha dibadda dalkaas Rex Tillerson, isagoo ku beddelay agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA, Mike Pompeo.

Madaxweyne Trump ayaa eryidda Tillerson iyo magacaabista Pompeo ku shaaciyay fariin dhinaca Twitterka uu soo dhigay.

Waxa uu yiri “Wuu ku mahadsanyahay Rex Tillerson shaqadii uu qabtay. Agaasiamaha cusub ee hay’adda CIA ayaa waxa noqoneysa  haweeneydii ugu horeysay ee madax ka noqota CIA, Gina Haspel, hambalyo dhamaantiin.”

SAHALNEWS.COM