HARGAYSA(SHL-NEWS)-Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Turkey-ga oo uu hoggaaminayo safiir ku-xigeenka dawlada Turkey-ga u qaabilsan Bariga Yurub, Eeshiya iyo iyo waddamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya, Ambassador Umit Yaldrim.

Kulankan oo ka qabsoomay madaxtooyada  Somaliland, ayaa si qoto dheer loogu lafa-guray xoojinta xidhiidhka labada dal ka dhexeeya iyo sidii loo dar-dargelin lahaa, isla markaana looga midho dhalin lahaa waxna looga beddeli lahaa wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee hore uga dhici jiray Turkiga.

Sidoo kale, waxa kulankaasi lagaga wada hadlay kaalmada turkigu bixiyo in Somaliland wixii ay qayb u leedahay aanu u soo marin cid kale oo ay waxeeda gaar u hesho.

Ugu danbayn Waxa uu safiir ku xigeenku balan qaaday in dhinacooda ay arrimahaasi xil iska saari doonaan.

SAWIRO

29104021_1586868171427030_7458571632785752064_n 29136018_1586866571427190_955126797358333952_n 29178792_1586867434760437_1218717285435310080_n 29214280_1586867681427079_7901339815625359360_n

29103542_1586866318093882_2536940867105587200_n

SAHALNEWS.COM