DHUUSO-MAREEB(SHL-NEWS)-Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa kormeer ku tagay xarunta Shirka uga socdo Guddiga isku dhafka Galmudug iyo sidoo kale maamulkii Ahlusunna oo shir uga socdo dhuuso mareb .

Madaxweynaha ayaa la kulmay Guddiga waxaana ugu baaqay in ay dardargeliyaan howlaha ay waddaan.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in maamulka uu si toos ah u shaqo bilaabo, waxaana uu guddiga ugu baaqay in ay si caddaalad u qabtaan Shaqadda ay hayaan.

Dhawaan ayaa lagu waddaa in la isku daro baarlamaanka maamulka Galmudug iyo sidoo kale baarlmaankii maamulkii Ahlusunna.

SAWIRO

3-4

1-10 4-3

SAHALNEWS.COM