WIRKOOY(SHL-NEWS)-Ciidamada Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa Weerar Culus ku Qaaday Saldhig Xoogaga Al-Shabaab ay ku Lee Yihiin Deegaanka Wirkooy oo ku yaalla Duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.

Dagaal Culus ayaa la Sheegay in Labada Dhinac uu ku Dhex Maray Deegaanka Wirkooy, Iyadoona uu Jiro Khasaare Isigu Jira Dhimasho iyo Dhaawac, kaasi oo soo kala gaaray Labada Dhinac.

Inta La Xaqiijiyay Shan Ruux oo Dhinacyada Dagaalamay ah ayaa ku Dhintay Dagaalkaasi, waxaana ku Dhaawacmay Tiro kale.

Saraakiisha Hoggaaminaysa Ciidamada Jubbaland ee Weeraray Wirkooy ayaa Sheegay in Duulaankaasi uu ahaa mid Qorshaysan oo ay Ciidamadu ku Beegsadeen Saldhig ay Isku aruur-sanayeen Xoogaga Al-Shabaab oo ku yaalla Deegaanka Wirkooy.

Warar Madax-banaan ayaa Sheegaya in Ciidamada Jubbaland ay Iska Caabin Xooggan ay kala Kulmeen Dagaalyahanada Al-Shabaab ee Ku Sugnaa Saldhiga Wirkooy, waxaana Dhinacyada Dhex Maray Dagaal Socday ku Dhawaad Saacad.

Wariyaha Warbaahinta Sahal News, ayaa soo Sheegaya in Haatan Ciidamada Jubbaland ay ku Sugan yihiin Duleedka Deegaanka Wirkooy, Iyadoona Dagaalyahanada Al-Shabaab ay Isaga baxeen Iyana Gudaha Deegaanka, waxaana jirta Cabsi ku aadan Dagaal mar kale ka Qarxa Deegaanka Wirkooy ee Gobalka Jubbada Hoose.

SAHALNEWS.COM