MUQDISHO(SHL-NEWS)-Madasha Talo Wadaag oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin horay xilal u soo qabtay ayaa war saxaafadeed ka soo saaray xaalada uu dalka ku jiro Iyo Xeerka Baarlamaanku uu dalka uga Mamnuucay Shirkadda DP World.

Madasha Talo-wadaag ayaa soo dhoweeysay Xeerka Baarlamaanka Federaalka uu soo saaray ee dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World, isla markaana waxba kama jiraan laga soo qaaday dhamaan heshiisyadii shirkaddu gashay.

Sidoo kale Madasha ayaa ugu baaqay Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha in la hirgeliyo go’aankii Baarlamaanka, lagula xisaabtamo Xukuumadda meel marinta go’aankaas.

AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA KA SOO BAXAY MADASHA TALO-WADAAG.

20180313_132207-696x898

SAHALNEWS.COM