MUQDISHO(SHL-NEWS)-Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/caziiz Xildhibaan, oo Warbaahinta kula hadlay maanta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay Ganacsatada Soomaaliyeed ay Qaarkood Dhaqaale Siiyaan Xoogaga Al-Shabaab.

Afhayeenka ayaa Sheegay in ay Hayaan Liiska Ganacsato Soomaaliyeed oo Dhaqaale Siiya Al-Shabaab, waxaana uu Sheegay in ay Tilaabo ka qaadi Doonaan Cidii Dambe oo lagu Helo in ay Dhaqaalle Siisay Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Afhayeen Wasaaradda Amniga ayaa ka hadlay Amarka Kooxda Al-Shabaab ay ku Soo Rogtay Mulkiilayaasha Garoomada Salaxa ah ee ku Yaalla Muqdisho, ee ah in ay Albaabada u laabaan Garoomadaas, illaa amar dambe.

Xildhibaan ayaa Sheegay in aysan Al-Shabaab Maamulin Magaalada Muqdisho, Isagoona Mulkiilayaasha Garoomada Salaxa ah uga Digay in ay Amarka Al-Shabaab ku Xiraan Garoomada Salaxa ah ee lagu Ciyaaro Kubadda Cagta.

Digniintaan ka Soo Baxday Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku Soo Aadaysa, Iyadoo Xoogaga Al-Shabaab ay Dhawaan ku Amreen Mulkiilayaasha Garoomada Salaxa ah ee Muqdisho in ay Xiraan.

DHAGEYSO.

SAHALNEWS.COM