HARGEYSA(SHL-NEWS)-Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland oo maanta kulan ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Hargeysa, ayaa dood adag ka Yeeshay Xeer ay Shalay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay dalka uga Mamnuuceen Shirkadda DP World ee laga lee yahay Dalka Imaaraadka Carabta.

Kulanka Golaha Wakiilada Somaliland oo ahaa mid aan Caadi aheyn ayaa waxaa Shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Iyadoona ay Xaadir ahaayeen Inta Badan Xildhibaanada Golaha Wakiilada.

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Dood Dheer kaddib Isku Raacay In Go,aankii Shalay ka Soo Baxay Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, uusan Quseyn Maamulka Somaliland, Islamar ahaantaana uusan wax Saameyn ah ku Yeelan doonin Heshiiskii Shirkadda DP World, Maamulka Somaliland iyo Dowladda Itoobiya ku Galeen Magaalada Dubai.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Shalayto ansixiyay Xeer dalka Looga Mamnuucay Shirkadda DP World, kaasi oo loogu Magac-daray “Dhowrida Gobonimada iyo Madax banaanida Geyiga Soomaaliya”, Iyadoona Maanta la Hor-geynayo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaana hadii ay Ogalaadaan loo Gudbin Doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo leh Saxiixa ugu dambeeya ee Dalka Looga Eryayo Shirkadda DP World.

Xiisada ka Dhalatay Heshiiskii Saddex Geesoodka ahaa ee Dubai ku dhex Maray Shirkadda DP World, Maamulka Somaliland Iyo Dowladda Itoobiya ee Dhigayay Saami-qeysiga Dekedda Berbera ayaa Muddooyinkii ugu dambeeyay sii Kordhaysay, waxaana Dowladda Federaalka Soomaaliya Heshiiskaasi ku Tilmaamtay mid Sharci Darro ah, oo Xad-gudub ku ah Qaranimada iyo Madax-banaanida Soomaaliya.

Hargeysa-Somaliland.

SAHALNEWS.COM