HARGEYSA(SHL-NEWS)-Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland ayaa maanta ka doodaya Xeerka Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay dalka uga Mamnuuceen Shirkadda DP World ee laga lee yahay Dalka Imaaraadka Carabta.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo kamid ah Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland, ayaa Waraahinta Maxaliga ah u Sheegay in Golaha Wakiilada Somaliland ay maanta ka Shiri Doonaan Xeerkaasi, Sidoo kalena ay ka Soo Saari Doonaan Go,aan.

Xildhibaan Nacnac ayaa Tilmaamay in Xeerka Dalka Looga Mamnuucay Shirkadda DP World, uu wax Saameyn ah ku Yeelan Doonin Shaqada Shirkadda DP World ka Wado Deegaanada Somaliland, waxaana uu Sheegay in Somaliland ay 1991-kii ka  Go’day Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Shalayto ansixiyay Xeer dalka Looga Mamnuucay Shirkadda DP World, kaasi oo loogu Magac-daray “Dhowrida Gobonimada iyo Madax banaanida Geyiga Soomaaliya”, Iyadoona Maanta la Hor-geynayo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaana hadii ay Ogalaadaan loo Gudbin Doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo leh Saxiixa ugu dambeeya ee Dalka Looga Eryayo Shirkadda DP World.

Xiisada ka Dhalatay Heshiiskii Saddex Geesoodka ahaa ee Dubai ku dhex Maray Shirkadda DP World, Maamulka Somaliland Iyo Dowladda Itoobiya ee Dhigayay Saami-qeysiga Dekedda Berbera ayaa Muddooyinkii ugu dambeeyay sii Kordhaysay, waxaana Dowladda Federaalka Soomaaliya Heshiiskaasi ku Tilmaamtay mid Sharci Darro ah, oo Xad-gudub ku ah Qaranimada iyo Madax-banaanida Soomaaliya.

DHAGEYSO.

SAHALNEWS.COM