QAAHIRA(SHL-NEWS)-Wararka laga Helayo Dalka Masar ayaa ku waramay in 17 Dhalin yaro Soomaali ah lagu xeray dalka Masar kuwaasi oo isugu jira kuwo heysta dhalasho wadamo kala duwan, waxaana hadda socda dadaalo lagu soo deynayo dhalinyaradan oo ay wadaan hogaanka  jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi masar.

Dhalinyaradaan ayaa laga qab qabtay Degmada Nasri City oo Soomaalida ay ku badantahay ka dib howlgal ay fuliyeen Ciidamada Masaarida.

Dadka la xir xiray oo isugu jira Arday iyo Qaxooti ayaa waxaa loo gudbiyay saldhig ku yaalla degmada Nasri City, si loo hubiyo in ay yihiin dad sharci ku jooga dalka Masar iyo inkale.

Maxamed Cabaas oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaasi ayaa sheegay In dhalinyarda  la qab qabtay tiradooda ay tahay 17 waxay isugu jiraan Arday iyo Qaxooti, wuxuuna tilmaamay in aanay garaneynin ilaa hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigooda mana jirto Muwaadiniin kale oo lala Xiray misane Udhashay Wadamo kale.

Dowlada Masar ayaa sanadkaanba waday qorshe  ay xabsiyada ku dhigeyso ajaanibta dalkeeda ku sugan ee aanan heysan deganaanshaha rasmiga ah ee dalka masar.

Dalka Masar ayaa waxaa ku nool Boqolaal kun oo qof oo Soomaali ah kuwaasi oo siyaabooyin kala duwan u jooga halkaasi, kuna heysta nolol ku filan haba ugu badnaadaane kuwa Ardayda ah.

SAHALNEWS.COM