KUNTUWAAREY(SHL-NEWS)-Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Si Cad U Beeniyay Howlgal ay sheegteen Ciidamada Sida Gaarka ah u Tababaran Ee DANAB akana Tirsan Milateriga Soomaaliya.

Ciidamada ayaa sheegay in howlgal ay ka Fuliyeen Kuntuwaarey ay ku Dileen Will uu dhalay Hogaamiyaha Al-shabab iyo Dagaal yahano kale sid ay ku baahiyeen Idaacad Ku Hadasha Afka Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya.

Intaasi ka dib ayaa waxaa Warbaahinta la Hadlay Muxidiin Kahliif Caliyow oo ah Ku simaha Gudoomiyaha Maamulka Degmada Kuntuwaarey ahna Gudoomiye ku Xigeenka ayaa Beeniyay in Ciidamada DANAB ay howlgalo ka sameeyen isla markaasina wax howlgal ah aanay ka dhicin sida uu Hadaka udhigay.

Waxa uu sheegay in uu joogo Buula mareer wax welibana ay halkaasi kala socdaan sidaasi darted uu qirayo in wax howlgal ah aanay ka dhicin magaalada kuntuwaarey.

Howlgalada ay fuliyaan Ciidamada DANAB ayaa ah kuwo diyaarad loo adeegsado sidaasi oo ay tahay maamulka Kuntuwaarey ayaa ku adkeystay in Aanay jirin wax howlgal ah.

Dhageyso.

SAHALNEWS.COM