JOWHAR(SHL-NEWS)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, ayaa Sheegay in dib-u-eegis lagu Sameynayo degmooyin uu magaacabay Madaxweynihii Hore ee Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble.

Wasiir Caadle ayaa Sheegay in deegaanada Halgan,Ceel Cali iyo Far-libaax oo ka tirsan gobolka Hiiraan, oo uu Dagmooyin u Magacaabay Madaxweynihii hore Cosoble aysan Buuxin Shuruudihii looga Baahnaa Degmooyinka.

Caadle ayaa Tibaaxay in Magacaabista deegaanadaas in ay noqdaan degmooyin uu go’aanka ugu dambeeya yeelan doono Baarlamanka Maamulka Hir-Shabeelle.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle, ayaa imaanaya Xili Bishii Augast ee Sanadkii Tagay ee 2017-ka uu deegaanada Halgan,Ceel Cali iyo Far-libaax oo ka tirsan gobolka Hiiraan, oo uu Dagmooyin u Magacaabay Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaha Cosoble.

DHAGEYSO.

SAHALNEWS.COM