NAIROBI(SHL-NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa Kulan ku yeeshay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Kulanka Labada Madaxweyne oo ahaa Mid aan Horey loo sii Shaacin, sidoo kalena u dhacay si hoose ayaan la Ogeyn Ilaa Haatan Waxyaabaha Rasmiga ah ee looga hadlay.

Ilo Lagu kalsoon yahay oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa u Sheegay Warbaahinta Sahal News, in Kulanka Dhex Maray Axmed Madoobe iyo Cabdi Iley uu ahaa mid looga hadlay inta badan Xaalada Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo Wada hadalada uga Socda Nairobi Jabhada ONLF (Ogaden National Liberation Front) Iyo Dowladda Itoobiya.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo sidoo kale Raadinaya Garab uu ku wajaho Mucaaradka Xooggan ee ay la kulmayso Xukuumadiisa oo Lagu haysto Waxgabad la,aan, ayaa Warar lagu kalsoon yahay ay Sheegayaan in uu Garab ka doonayo Cabdi Maxamed Cumar oo ay Heyb wadaagaan iyo Dowladda Kenya.

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Nairobi u jooga wadahadalo uu la lee yahay Masuuliyiin ka tirsan Jabhada ONLF oo dagaal kula jirta Itoobiya,iyada oo ay dhex dhexaadineyso dowladda Kenya.

Axmed Madoobe iyo Cabdi Iley

Nairobi-Kenya.

SAHALNEWS.COM