MUBAARAK(SHL-NEWS)-Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isaga baxay deegaanadii ay shalay kala wareegeen Xoogaga Al-Shabaab ee Gobalka Shabeelada hoose, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka.

Ciidamada xoogga dalka ayaa shalay la wareegay deegaanada Awdheegle, Mubaarak iyo tuulooyin hoos-taga degmada Afgooye oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Guddoomiye kuxigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in ciidamada aysan ujeedkooda aheyn inay deegaanadaas saldhig ka sameystaan, balse qorshuhu ahaa inay burburiyaan saldhigyada Shabaabka ku lahaayeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dib u qabsadeen deegaanadii shalay ay kala wareegeen Ciidamada dowladda.

Ma ahan markii u horeysay ee ciidamada dowladda ay la wareegaan deegaano, dibna uga soo baxaan, horay waxaa ay u qabsadeen deegaanka Bariire, iyagoo muddo kaddib isaga soo baxay.

SAHALNEWS.COM