MUBAARAK(SHL-NEWS)-Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka C/laahi Cali Caanood ayaa ka Hadlay howlgalkii Shalay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, Isagoona Sheegay in lagu burburiyay xarumo muhiim ah oo ay Al-Shabaab la haayeen.

Abaanduule Caanood ayaa Sheegay In Ciidamada Xoogga Dalka ay Bur-buriyeen Labo Gaari oo Al-Shabaab  ay ku Diyaarisay Walxaha Qarxa, kuwaas oo ay Macquul tahay in ay Ku Wajahnaayeen Magaalada Muqdisho.

Caanood ayaa Sidoo kale Sheegay in ay Bur-buriyeen Idaacadii Kooxda Al-Shabaab ee Anduluus, Xarunteedii Deegaanka Mubaarak ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka C/laahi Cali Caanood, ayaa ugu dambeyn sheegay in Ciidamada Xoogga ay sii wadi doonaan Howl-galada ka bilowday Gobalka Shabeelaha Hoose tan iyo inta Al-Shabaab Laga Sifeynayo Deegaanada Gobalka.

Ciidamada Xoogga Dalka oo Garab ka helaya Ciidamada AMISOM Iyo Kuwa Mareykanka ayaa Shalay Howl-galo culus oo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab ka bilaabay Gobalka Shabeelaha Hoose.

DHAGEYSO.

SAHALNEWS.COM