BOOSAASO(SHL-NEWS)-Wasiirka Warfaafinta, Isgaariisiinta iyo dhaqanka ee Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland ayaa ka hadley arrimo ay ka mid yihiin Xiisada Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool, safarkii Madaxweyne Farmaajo, fadeexad ay gashey BBC ee la xiriirta booqashadii Farmaajo ee Boosaaso iyo arrimo kale.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in danta kowaad ee Somaliland ka lahayd duulaanka Tukaraq ay ahayd in ay carqaladeeyaan safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda markii uu booqnaayey Garoowe, laakiin aysan caano ka maali doonin.

Cabdi Xirsi ayaa sheegay in damaca Somaliland uu yahay mid aan suurtagal ahayn oo laga hortagaayo, wuxuu ku eedeeyey Somaliland in ay qayb weyn ka yihiin carqaladda guud ahaan Soomaaliya waxaana uu tusaale u soo qaatey sida ay u taageeraan al-Shabaabka ku jira buuraha sil-silada Golis.

Wasiirka Warfaafinta, Isgaariisiinta iyo dhaqanka ee Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab)  ayaa u digey kuwa tashuushka ku furaayo isdifaacida Puntland, waxaana uu sheegay in meel looga soo wada jeesto.

DHAGEYSO.

SAHALNEWS.COM