DHUUSA-MAREEB(SHL-NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Wefti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Rasmiga ah ee Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Weftigiisa oo ka soo kicintimay Magaalada Jowhar ayaa waxaa Dhuusa-mareeb ku soo Dhaweeyay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir iyo Bulsho Fara-badan oo ay ka Mid ahaayeen Qaar matalayay Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan.

Madaxweyne Waare ayaa Soo Dhaweyn ka dib waxaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyadda Ururka Ahlu-sunna, si uu Qeyb  uga noqdo Madaxda iyo Masuuliyiinta ku sugan Magaalada Dhuusa-mareeb.

Dhanka kale, Magaalada Dhuusa-mareeb waxaa La Filayaa in ay Maalinimada Berito ah Gaaraan Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, kuwaasi oo ka qeyb galaya Munaasabada Dhameystirka Heshiiskii Ahlu-sunna iyo Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ayaa Goor-dhow la filayaa in uu Gaaro Magaalada Dhuusa-mareeb, Isagoona Saacado ka Hor ka amba-baxay Magaalada Cadaado oo uu xalay ku hoyday.

SAWIRRO.

2 13 4 5 6

SAHALNEWS.COM