CEEL-WAAQ(SHL-NEWS)-Dowladda Kenya Ayaa War Ka Soo Saartay Dagaalkii Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Kuwa Kenya ku dhex maray Degmada Ceel-waaq ee Gobalka Gedo.

Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegtay Ciidankeedu aysan qeyb ka aheyn dagaalka, ayna xalay Ciidamo iyaga ka tirsan ka bixin xerada ay ku leeyihiin xuduudka ay la wadaagaan Soomaaliya.

“Ciidanka Kenya wax lug ah kuma lahan, dagaalka ka dhacay Ceel-waaq, Ciidamadeena ma aysan tagin agagaarka Ceel-waaq, iska daa in ay gudaha u galaan, waxaan wadnaa baaris la xiriirta wararka sheegaya in Ciidankeena ay qeyb ka noqdeen dhacdadan.” Ayuu yiri Sarkaal u hadlay Ciidanka Kenya.

Xuseen Deyr Cadaawe oo ka tirsan saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Degmada Ceel-waaq ee Gobalka Gedo, ayaa  xaqiijiyay in dagaal uu dhexmay Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Kenya, Isagoona Sidoo kale Sheegay in uu ku geeryooday Gaashaanle Dhexe Maxamed Aadan Yuusuf (Ilka Case) oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Gobolka Gedo.

Warkan ka soo baxay Dowladda Kenya ayaa u muuqda mid ay isaga indha tireyso weerarka khasaaraha dhaliyay ee Ciidankooda ay ku qaadeen Ceel-waaq, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

SAHALNEWS.COM