MUQDISHO(SHL-NEWS)-Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Koofi, oo Shalay gaaray magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Barri, ayaa kormeer howleed ku sameeyey qaar ka mid ah xarumaha hay’adda socdaalku ku leedahay halkaasi ay ku leedahay.

Agaasimaha soo indha indheeyey sida ay u socdaan shaqooyinka xarumihii uu booqday ay Bulshadda Soomaaliyeed u hayaan.

Waxaa ka mid ah meelihii uu booqday, Qeybta socdaalka ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso, Xafiiska Socdaalka ee Dekadda Caalamiga ah ee Boosaaso, Xafiiska Bixinta Baasaboorada ee degmadda Boosaaso, Dugsiga Tababarka ee HSJ ee Boosaaso.

Kormeerkan uu agaasimaha ku sameeyay xarumahaan, ayaa ujeedkiisu waxa uu ahaa sii loo sii dardargalin lahaa howlaha ay Hay’addu ka qabato Magaalada Boosaaso ee Xarunta Barri.

SAWIRRO.

soc soc1 soc2

SAHALNEWS.COM