MUMBAI(SHL-NEWS)-Xabsiyo ku yaalla Dalka Hindiya ayaa La Sheegay in Laga Sii Daayay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Tiradoodu Gaaraysay 15.

Sida ay daabacday Jariirad lagu magacaabo The Indian Express, maxaabiistan ayaa dhamaystey xukun lagu ridey oo ahaa 7 sano oo xarig ah.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ay jiraan maxaabiis kale tiradoodu lagu sheegay ilaa iyo 27 kuwaasoo sida qorshuhu uu yahay maalmo ka dib la sii daayo waxaana la filayaa dhammaan maxaabiistaas hal mar loo soo dhoofiyo dalka Soomaaliya.

Wadanka India ayaa kamid ah wadamada ugu badan oo ay ku xiran yihiin maxaabiista Soomaalida,kuwaasi oo loo heysto fal dambiyeed la xiriira Burcad Badeednimo,inkastoo sanadihii ugu dambeeyey uu hoos u dhac ku yimid weeraradii afduubka maraakiibta.
Waxaa dhalinyaradaasi xabisyada dalka Hindiya ku jireen illaa iyo sanadkii 2011kii.

SAHALNEWS.COM