MUQDISHO(SHL-NEWS)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar Kooxo hubeeysan ay xalay ku qaadeen gaari yar oo nooca raaxada ah, xili uu marayay deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana kooxdii weerarka geesatay la sheegay in gaarigaasi horey u wateen.

Goob joogayaal ayaa ku waramay rag biskoolado ku hubeesan ay rasaas ku fureen nin watay gaari yar oo nuuca raaxada ah, waxaana la sheegay in gaariga horey u qaateen iyada uu ku jiro ninkii watay oo dhaawac ah.

Ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya ayaa gaaray halka uu weerarku ka dhacay, waxa ayna ciidamada wali baadi goob ugu jiraan kooxdii weerraka geestay iyo gaariga ay qaateen.

Ma jiro ilaa hada wax war ah oo ku aadan weerarkan oo kasoo baxay laamaha amaanka, waxaan sidoo kale la ogeyn waxa uu ahaa ninka la weeraray, Sidoo kalena ay kooxda hubeesan horey u qaateen dhaawiciisa.

SAHALNEWS.COM