QARDHO(SHL-NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wadiga uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in maanta uu gaaro Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Oo uu wehlinayo Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa ugu horeyn tagaya Degmada Carmo, Iyagoona ku hakan doona Muddo Sacado ah, waxaana ay uga Sii Gudbayaan Magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay ku hoyday Magaalada Qardho,waxaana uu safar labo cisho ah ku tagay Garoowe oo ah xarunta Maamulka Puntland.

Safarka Madaxweynaha ee Boosaaso,waxaa ku xigta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,halkaas oo uu ka billaabayo safarka degaannada Galmudug.

Safarkiisa Galmudug waxaa uu ku tagi doonaa Magaalooyinka Dhuusamareeb,Cadaado,Guriceel iyo Cabudwaaq oo dhamaantood kawada tirsan Gobolka Galguduud.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Axaddii la soo dhaafay ka soo amba baxay Magaalada Muqdisho waxaana booqasho todobaad ka badan uga billaabatay degaannada Puntland iyo Galmudug.

 

SAHALNEWS.COM