MUQDISHO(SHL-NEWS)-Dowlada Maraykanka ayaa joojisay gargaar cunto iyo shidaal isugu jirey oo ay u fidin jirtey ciidamada Milatariga sababo la xiriira musuqmaasuq,waxaana uu go’aankan yahay mid dharbaaxo ku ah Milatariga Soomaaliya xilli ciidamada AMISOM ay bilaabeen ka bixitaanka dalka Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka oo sidoo kale taakuleysa  Ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika oo gaaraya 22,000 oo askari ayaa aad uga carooday maamulada isku bedbedelay dalka  Soomaaliya in ay ku guuldareysteen inay dhisaan ciidamo qaran.

Joojinta gargaarka ay dowlada Maraykanka siiso ciidamada Soomaliya ayaa timid kadib markii la waayay meel ay jaan cirib dhigeen cunto iyo shidaal loogu deeqay ciidamada Soomaaliya sida ay daabacday wakaalada wararka Reuters oo arkay qoraalo Maraykanka iyo dowlada Soomaaliya ay isweydaarsadeen.

Sarkaal u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka ayaa sheegay in wadahadalo ay dhowaan yeesheen dowlada Maraykanka iyo dowlada federalka Soomaaliya ay isla garteen in ciidamada Milatariga Soomaaliyeed uu ku guuldareystay isla xisaabtan dhab ah ee gargaarka uu Maraykanku bixiyo.

“Waxaan ku soo koobeynaa gargaarka Maraykanka uu siiyo ciidamada dowlada Soomaaliya unugyo gaar ah kuwaasoo ciidamada Maraykanka Soomaaliya ku sugan ay ka warqabaan xaaladooda.”ayuu intaa sii raaciyay  sarkaalka u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

SAHALNEWS.COM